Mujaahid Axmed Mire Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalku Marayo, Khilaafka Wakiilada, Shacabkana Kor & Hoosba Wax Ugu Sheegay

0
423

“Madaxweynuhu waa inuu xilkiisa qiimeeyaa, Dadweynuhuna waa inay Quluubtooda isku furaan oo ay Dalkooda ilaashadaan.” Mujaahid Mire

Hargeysa (Geeska) – Mujaahid Axmed Mire Maxamed, ayaa ka hadlay Ahmiyadda ay leedahay in la ilaaliyo Sharciga dalka, si kala dambaynta iyo Dawladnimada Somaliland u sii waarto.

Mujaahidka oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in loo baahan yahay in khilaafaadka iska imanaya laga digtoonaado, maaddaama oo ay Somaliland ku timi dedaal iyo dagaal culus, loona yahay in lagu faro-adaygo.

Mujaahidka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Mar walba khilaaf wuu imanayaa, laakiin in khilaafku iska yimaaddo maaha, waa in Ummaddu yeelataa wax kala haga, waxa kala hagayaana waa Sharci iyo nidaam, hadduu Sharcigu noqdo ‘Ila Meerayso’ meella u bixi mayno.”

Mujaahidku wuxuu sheegay “Wixii ay Xisbiyadu ka hadlayeen, Aniga wax weyn ilama aha, waxay ila tahay wax Caqli-darro keentay, sharcigu waa inuu noqdaa mid wax walba ka sareeya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qaanuunkaasi hadduu dumo, Adiguna waad duntay, Ubadkaagii way dumeen, dalkaagii wuu dumay, markaa waxa aad burburinayso iyo waxa kaa jabanaya, haddii aanad qiimaynayn hore u socon kari mayno, markaa hala iloobo hebel, hebel waa shaqsi, Qof Qof innaga daaya, Qolo qolo innaga daaya.”

Mujaahid Mire waxa kale oo uu sheegay “Dalka waxa ugu awood weyn Shacabka, iyagaa Madaxda doorta oo sameeya, iyaga ayay la jirtaa inay ilaashadaan oo toosiyaan. Waar Maanta innaga oo dhowr iyo Soddon jirsanay yaanay Nacasnimo inna qaadin, yaan wixii God innagaga dhcin aan ilaashano, waxaynu wax ku ilaalin karnaana waa waxaa yar ee aynu qoranay (Dastuurka), haddii waxaas inoo socon waayaana iska hor-imaad baa imanaya, haddii iska hor-yimaad yimaaddana waa lagaa faa’idaysanayaa, ha eegina Qolo Qoloda aynu nahay, adduun dhan baa indhaha innagu haya oo dano innaga leh, oo innaga hanti badan oo siduu doono inoo isticmaalaya, waydinkaa arka waxa Xamar haysta, diyaarad lacag ah ayaa imanaysa, Diyaaraddii lacagta ahayd baa loo qaybinayaa, waxay iloobeen Waddaniyaddii oo dhan, markaa gondaheena uun yaynaan eegina, bal indhaheena aynu kor u qaadno oo waxa Geeska Afrika ka dhacaya aynu qiimayno.”

Mujaahidku waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka Baarlamaanka  “Maalin dhawayd waxa la isku qabsaday Baarlamaanka, Anigu lamaan yaabin, Waayo? Rag dhallinyaro ah oo dareensan waxa loo soo doortay baa doodayey, laakiin waxaan ka xumaaday inay meesha ku kala baxaan (oo badhkooda dibedda tagaan), waxaan jeclaa inay dood isku jarjaraan, dabadeedna ta Xaqa ah loo soo noqdo oo la raaco, markaana Cod lagu kala baxo sida ummadaha kala ay yihiin, laakiin waxaan ka naxay Xabad yar oo meesha ka dhacday iyo qaylo.”

Mujaahidku wuxuu farriin u diray Madaxweynaha iyo Cidda dalka u haysa Sharciga “Cidda Maanta sharciga inoo haysaa waa inay dariiqa xaqa ah raacdaa, Madaxweynuhuna waa inuu xilkiisa qiimeeyaa, Dadweynuhuna waa inay Quluubtooda isku furaan oo ay Dalkooda ilaashadaan.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office