Muhaajiriin Somali U Badan Oo Buux Dhaafiyay Xeebaha Liibiya

0
570

Iyadoo Qaxooti badan ku xayiran yihiin Xuduudaha qaar ka mid ah dalalka Europe, ayaa waxaa  jirta ku-dhawaad 200,000 oo Muhaajiriin ah oo qorsheynaya inay doonyo kaga tahriibaan Xeebaha Libya ee Badda Mediterranean Sea, si ay u gaadhaan Xeebaha Talyaaniga.

jjjjjj

Wargeyska ka soo baxa dalka Jarmalka ee lagu magacaabo Welt am Sonntag ayaa soo weriyey inay Sirdoonka Reer Galbeedka indhaha ku hayaan Qaxootigaasi isku diyaarinayo Safar-baddeed Khatar oo ay doonyo kaga shiraacdaan Xeebaha dalka Libya.

Wargeyska Welt am Sonntag waxa uu qoray inta badan Muhaajiriinta ka  ambabaxa doona Xeebaha Libya inay ka soo kala jeedaan Somalia, Eritrea iyo Nigeria, kuwaasi oo sugaya inta uu Jawiga Badda caadi kanoqonayo, si ay doonyo uga gudbaan marinka ay ku gaadhi karaan Qaaradda Europe.

Qaar ka mid ah Muhaajiriinta Soomaalida ee haatan ku sugan dalka Libya, ayaa sheegay inay filayaan inay maalinta Jimcaha soo socota ka ambabixi doonaan Libya, si ay u gaadhaan Xeebaha dalka Talyaaniga.