“Muddo Kordhinta Haddii Lagu Wato Ma Ogolin, Laakiin Haddii Ay Tahay Maslaxada Umadda, Waa Qasab In La Qaataa”Suldaanka Guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed

0
555

Hargeysa (Geeska)-Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay muddo kordhinta Xukuumadda, ee loo gudbiyey Guurtida, waxaanu sheegay in aanu raali ka ahayn haddii muddo kordhintaasi noqoto mid dan gaar ah laga wato,balse wuxuu tilmaamay haddii ay tahay muddo kordhin maslaxada iyo danta umadda ah inay qasab tahay in la qaato.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay in aanay jirin wax dambe oo isku keenaya inay ku midoobaan Somaliland iyo Somaliya, waxaanu Madaxweynaha Somaliya ugu baaqay inuu caddeeyo mawqifkiisa ku saabsan Somaliland, ugu horeyn isagoo ka hadlaya muddo kordhinta ayaa yidhi“Muddo kordhintu haddii dan lagu wato, mise haddii ay tahay maslaxada umadda, dan haddii lagu wato muddo kordhinta ma ogolin, laakiin haddii ay tahay maslaxada umadda, waa qasab in la qaataa”.

Suldaanka guud ee Somaliland mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko Madaxweynaha cusub ee Somaliya ayaa yidhi “Inagu Madaxweynaha Somaliya maynu dooran, Madaxweynaha aynu dooranay waa Siilaanyo, madax banaanidayadana Xamar kama rabno, Madaxweyne Xamarna weydiisan maayo, waxa jira Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay, oo aynu wax weydiiisan karnaa, oo inoo soo jawaabi kara, waxaana Qaramada Midoobay leeyahay madaama Somaliya aanu ammaan buuxa ka jirin, Somaliland ma ogola mana aqoosana, dawlad Soomaaliyeed inay matalayso, Somaliland gaar bay u baxday, waxayna isku taagtay inay dawlad gaar ah noqoto, Madaxweynaha Somaliya qabsadayna in aanu taas waxba ka qabin ha noo caddeeyo, Somali dib la iskugu keenayaana jiri mayso, Somali dambe oo midnimo iskugu imanaysa meesha ma taalo”.

Suldaanka Guud ee Somaliland mar uu ka hadlaayey in Somaliya aanay waxba u ogolayn Somaliland ayaa yidhi“Dadka reer Somaliland wey tashadeen, reer Xamarna wey tashadeen, maxa nin reer Somaliland looga dhigan waayey Madaxweynaha Somaliya, Xamar haddii ay dhab ka tahay Somalinimadu, maxay Madaxweyne u dhashay Somaliland uga soo bixi waayey Xamar, lama ogola in nin reer Somaliland ahi uu Somaliya ka noqdo Madax, taasna weynu aqoonsanay, reer Somaliland waxay isku raaceen inay ka gaar noqdaan Somaliya, madaama aanay u ogolayn Madaxweyne, Raysal-wasaare,Janano, dad wax doonayaba la inagaba soo qaadin ee adhi la dhaqayo ayeynu noqonay, adhigii la dhaqayey maanta ma nihin, dawladaas inoogu xigta ee Itoobiya ayeynu wax la qabsanaynaa, kuwaas ayeynu ku biiri lahayn haddii aynu cid ku biirayno, laakiin inta aanu Xamar ku biirayno waxaanu ka jecel nahay Itoobiya”.