“Muddo Kordhin Dheeraad Ah Looma Taag Hayo, Muran Dambena Uma Baahnin”Prof Cabdisalaan Yaasiin

0
484

Hargeysa (Geeska)-Prof: Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, oo ka mid ah Madasha Wada-tashiga Somaliland, ayaa Golaha Guurtida kula taliyey in muddo kordhin ka badan heshiiskii Axsaabtu isla qaadatay in aanay kordhin, waxaanu sheegay in muddo kordhin dambe aan loo baahnayn.

Prof: Cabdisalaan Yaasiin Maxamed, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay qiimaha sarifka lacagta doolarka ee halkiisi ku soo noqday, waxaanu yidhi ugu horeyn isagoo ka hadlay muddo kordhinta“Waagii hore waa tii ilaa Maxkamadda la isla galay, oo Maxkamaduna waa tii go’aan cad oo ku saabsan wakhtiga la qabanaya Doorashada ka soo saartay, imikana waa la qaban lahaa Doorashada ee duruufta adage e abaarta ayaa keentay in la isla garto in Doorashadu dib u dhacdo, ee waayeelinimada, guurtidunimadu iyo odaynimadu waxay ku jirtaa waxaas la isla gartay ee lagu heshiiyey inay Guurtidu meel mariso, waxaana lagu heshiiyey in bisha tobonaad la qabto, xittaa Guurtidu hore ayey uga soo dhigi karaan oo bisha sagaalad dabaqayadeeda ayey ka dhigi karaan, laakiin muhiimadu waxa weeye in aanay waxba ku darin, muddo kordhin dheeraad ah looma taag hayo, muran dambena uma baahnin, ee Guurtidu muddada la isla gartay ha meel mariso”

Prof: Cabdisalaan Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey sida uu arko sicir bararka iyo qiimaha sarifka ee halkiisi ku soo noqday ayaa yidhi “Dawladdu waxyaabaha ay inooga masuul tahay ayaa ah inay isku misaanadaan in sicirka iyo lacagtu, lacagtuna halkeedii bay ku soo noqtay, Caalamka waxa la sameeya Komishan dhinaca qiimaha lacagta, markaas waa inay Dawladda iyo Ganacsatadu shiraan, waana in la sameeya Komishan isku misaama lacagta, haddii aan la isku misaamina si alaale si uu ku fadhisanayo sarifka lacagtu ma jirto, dawladdu umadda ma amri karto, wax kasta oo la iibinayo marka uu yaraato sicirkeedu uu kacayaa, tusaale ahaan haddii Timirta la waayo sicirkeedu uu kacayaa, haddii Bariiska la waayo sicirkiisu uu kacayaa, haddii Sonkorta la waayo sicirkeedu uu kacayaa, marka haddii Lacagta doolarka la waayana sicirka doolarku uu kacaya, ee waxa la baahan yahay in suuqa la soo galiyo doolar badan, oo suuqyada laga helaa Doolarka,oo dawladda iyo tijaartu ha wada shaqeeyaan, oo labadoodaba maslaxadooda ayaa ku jirta”