“Mooshinkan Aanu Ku Gudbinay Dagaal Baa Lala Galay”

0
882

Xildhibaan Siciid Gaane

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaciil (Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay mooshinka ay gudbiyeen, waxaanu tilmaamay in la isku dayey in mooshinkan la hor istaago, balse ay suurtagal noqon weyday.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaciil (Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Doorashada dib u dhacaysa ee uu sheegay Guddoomiyaha Komishanka iyo xaalada uu dalku marayo, waxaanu si gaar ah fariin ugu diray Madaxweynaha waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Mooshinkan aanu ku gudbinay 15 Muddane ee labada Kulmiye nagu jireen, dagaal baa lala galay, waxaana la isku dayey in la hor istaago, laakiin taasi suurtagal wey noqon weyday, oo Sharcigu wuxuu dhigayaa in tirada ugu yar ee Mooshin keeni karta ay noqdaan 11 Muddane, anaguna waxaanu noqonay 15 Muddane, haddii ALLE ka dhigana Ciidda dabadeed ayaanu ka doodi doonaa, haddii wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeynayo iyo haddii sidaas lagu daynayaba waa wax Xildhibanaadu dood dheer ka yeelan doonaan, wax se la isku dayey in wax nala marsiiyo ama nala jiidhsiiyo, taasina suurtagal wey noqon weyday”.

Mar uu ka hadlaayey hadalka Guddomiyaha Komishanka uu ku sheegay inay Doorashadu dib u dhacayso ayaa yidhi “Guddoomiyaha Komishanku hadda ayuu sheegay inay Doorashadu dib u dhacayso, laakiin anigu mar hore ayaan wareysi aan siiyey Wargeyska Geeska Afrika aan ku sheegay inay Doorashadu dib u dhacayso, waxyaabaha keenay dib u dhaca Doorashadana wax qarsoon maaha, ee waa wax loo baahnaa in mar horeba wax laga sii qabto, maxaa yeelay  Doorashada oo la qabto waxaa ka horeeya in waddada loo sii xaadho, oo wixii caqabad ah ee jira in wax laga qabto, oo meesha laga saaro, ilaa haddana caqabadaasi wey taagan yihiin, markaas waa qasab inay Doorashadu dib u dhacdo”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here