Mombasa-Kenya: Iimaam Masaajid Oo La Dilay Iyo Rabshado Ka Dhashay

15
573

Picture2Waxaa gelinkii dambe ee khamiistii lagu dilay  magaalada Mombasa ee dalka Kenya lagu dilay Sheekh Ibrahim Ismaaciil oo ahaa imaamka Masjid Musa ee magaalada Mombasa. Waxaanu dilkaasi sababay rabshado shalay ka dhacay magaaladaas.

Imamkan ayey dadka qaarkiis la xidhiidhiyaan kooxaha muslimiinta ah ee mayilka adag ee ka jira gudaha dalka Kenya, waxayna saaxiibo gaar ahaayeen Wadaadkii Shiikh Rogo Maxamed oo isaguna weerar noocaan oo kale ah lagu dilay bishii Agoosto ee sanadkii hore 2012.

Gaadhiga uu saarnaa Shiikh Ibrahim iyo afar qof oo kale ayaa rasaas ooda looga qaaday, iyadoo ay halkaasi ku dhinteen wadaadkaasi iyo sadex qof oo kale, balse hal qof oo gaardhigaasi saarnaa, ayaa badbaaday, sida ay sheegeen ciidamada Booliiska oo goobtaasi mardanbe  gaadhay.

Dilka afartan qof ayaa sababtay dibadbaxyo iyo rabshado shalay ka dhacay magaalada salaadii jimce kadib. Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in dadka rabshadaha sameeyay ay gubeen kaniisad. Waxaana ku dhintay afar ruux oo kala duwan, iyadoo ay dad kalena ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya todobaadyo kadib markii Kooxda Al Shabaab ay weerar ay ku dhinteen 67 qof ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Westgate oo ku taal caasimada Kenya ee Nairobi.

Comments are closed.