Milicsiga Wargeyska

33
3648

Tiraba afar goor oo kala duwan ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ka sheegay munaasibado kala duwan inuu diyaar u yahay in la bilaabo wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo ay hakisay xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dawladda Soomaaliya ayaa weerar dhinacyo badan ah kaga jawaabtay heshiiskii dhex maray Somaliland, shirkadda DP world iyo dawladda Itoobiya, waxaana xataa mashaariicda horumarineed ee ay UAE ka fulinayso Somaliland ka fadhiistay oo go’aan ka soo saaray Baarlamaanka Soomaaliya.

Wadahadal dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya waxa ugu dambaysay sannadkii 2015, oo sababta ugu weyn ee ay wadahadaladu u istaageen ahayd, khilaaf ka dhashay xubnaha ay Soomaaliya u soo magacawday ergada wadahadallada oo ay ku jireen kuwo u dhashay Somaaliland. Arrintaas oo ay Somaliland u aragtay in ay baalmarsan tahay nidaamkii ahaa in laba dhinac loo wada hadlo. In dib loo bilaabo wada hadalladana waxaa caqabad ku noqotay, labadii Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya oo ay mudadii ka dhammaanaysay, sidaa awgeed ay qasab noqotay in la sugo doorashooyinka kaddib.

Waxa rajo weyn lagu qabay in wada hadaladu dib u bilaabmaan bishii March ee sannadkan. Balse Dawladda Somaliland oo ka jawaabaysa dagaalkaas dawladda Soomaaliya, ayaa  hakisay wadahadaladii, oo ay ahayd in ay labada madaxweyne ku furaan kulan ka dhici lahaa dalka Jabbuuti.

Madaxweyne Farmaajo oo u muuqda inuu ka jawaabayo culaysyo kaga yimid beesha caalamka oo ah inuu soo celiyo wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa dhawr goor oo kala duwan sheegay inay ka go’antahay soo celinta wada hadaladaas. Dhinaca kalana, Qaramada midoobay ayaa warqad ay bishii June u soo dirtay Madaxweyne Biixi, waxa ay ku sheegtay inay diyaar u tahay inay fududayso dib u bilaabista wadahadaladaas.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ay dawladda Somaliland kaga tiraab celisay farriimahaas Farmaajo ka soo yeedhaya ee dib u bilaabista wada hadaladaas. Laakiin su’aasha maanka ku soo degdegeysaa waxa ay tahay maxaa Somaliland kala gudboon baaqyadaas iyo dani ma ku jirtaa sii socoshada wada hadallada?

Waxaa hubaal ah in la gaadhay waqtigii uu madaxweyne Biixi, aqbalaad kaga jawaabi lahaa baaqyadaas, kana shaqayn lahaa in wada hadaladii la soo celiyo.

Wada hadaladu wakhtigan lagu jiro waxa ay Somaliland u yihiin muhiim, marka dhinacyo badan laga eego. Diblomaasi ahaana in la wada hadlaa waxa ay mar walba meesha ka saaraysaa xanafta siyaasiga ah, waxa aanay soo dhoweynaysay cid kasta oo danaynaysa arrimaha labada dhinac. Waxa ay Somaliland u furaysaa albaab ay u marto in ugu yaraan ay Soomaaliya ku qanciso in barnaamijyada horumarinta ka dayso doco-docaynta iyo in ay ogolaato xal u helidda arrinta maamulka hawada oo taagan, iyo in dhinacyo badan oo Somaliland xidhiidh la yeelan lahaa, laakiin imika culays ka haysto Soomaaliya, maadaama oo aan Somaliland la aqoonsan, ay helaan jid ka dhasha wada hadalladaas oo u fududeeya xidhiidhka ay Somaliland la yeelanayaan.

Wuxuun baa muhiim ah in aad looga fekero dalka ay wada hadaladaasi ka furmayaan iyo midhaha ka soo bixi doona, taasina waa xirfad looga fadhiyo Madaxweyne Biixi. Wada hadaladani haddii ay furmaan waxa ay Somaliland u baahantahay inay la shir tagto mawaadiic diyaarsan oo doodaha labada dhinac taaban doona, kuwaas oo ay muhiim tahay inay soo diyaariyaan dad aqoonyahano iyo khubaro ah oo la socda islamarkaana fahansan sida dunidu maanta u shaqayso. Haddii diyaar garow habaysan lala gole tago, waxa ka soo bixi kara midho macno leh.

Dalka wada hadalada martigelin doonaa waa muhiim isaguna. Waa in la helaa dal aan ku dhex jirin siyaasadda guud ahaan Soomaalida oo diyar u ah  inuu si dhexdhexaad ah u dhagaysto dooda labada dhinac. Waa muhiim xataa martigelinta ka sokow inay wada hadalada goob joog ka noqdaan dhawr wadan oo oo caalami ah saamayna leh oo martkhaati ka noqda fulinta waxa ay labada dhinac ku heshiiyaan.

In la wadahadlaa waa muhiim, diblomaasi ahaana wada hadalada waxa lagaga dheeraadaa oo lagaga badbaadaa dhibaatooyin badan. Sideedabana, diblomaasi ahaan lama wada xidho albaabada mar qudha, waxase muhiim ah inay qaar furnaadaan. Waxaanay wada hadalada oo furmaa Somaliland ka caawinayaan siyaasadda arrimaha dibadda oo hadda dheel dheeli badani ka muuqdo.

Mudane, Madaxweyne waxa lagaaga baahanyahay inaad la timaado diblomaasiyad suurtogelisa bilowga wada hadalo wax u tara Somaliland oo dhaafsiisan baaqyo saxaafadda la mariyo.  Waxa muhiim ah inaad ka shaqayso in dib loo bilaabo wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin aad la timaado diyaar garow iyo qorshe iibsami kara.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here