Milicsiga Waraaqo Diblomaasiyadeed Oo Kululaa Oo Ay Is Weydaarsadeen Madaxweyne Siilaanyo Iyo Augustine Mahiga Oo Dhawaan Geeriyooday

0
1152

Hargeysa(Geeska)-Waxa dhawaan dalka Tansaaniya ku geeriyooday Augustine Mahiga oo mar ahaa ergaygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaalida.

Augustine Mahiga ayaa safaro badan ku iman jiray magaalada Hargeysa, waxaanu wargeyska Geeska Afrika, halkan akhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa khilaaf diblomaasiyadeed oo bishii November ee sannadkii 2012 ka dhex qarxay madaxweynihii xilligaas ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Augustine Mahiga oo markaas ahaa ergayga Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa wakhtigaas wuxuu  si adag uga jawaabay dhambaal uu u soo diray Augustine Mahiga, kaas oo uu Mahiga ku soo qoray luuqad quudhsi iyo gef ku ahayd qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Wargeyska Geeska Afrika ayaa waxa wakhtigaas u suurtogashay inuu arko laba waraaqood oo ay isweydaarsadeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Danjire Mahiga. Danjire Mahiga. Augustine Mahiga   ayaa Madaxweyne Siilaanyo wuxuu 7 November 2012  u soo diray dhambaal uu kaga codsanayay inuu la kulmo wefti ka socday Qaramada Midoobay oo dib u qiimayn ku samaynayay qaabka ay tahay inay Qaramada midoobay uga hawlgasho gobalka. Sida uu Geeska Afrika wakhtigaas arkay Qoraalkaas uu Mahiga ku dalbanayay inuu Madaxweyne Siilaanyo qaabilo weftigaas, wuxuu ku socodsiiyey “Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland ee Somaliya.” Ereygaas oo u muuqda inuu yahay weedha  damaqaday madaxweyne Siilaanyo, jawaabtiisana uu halqabsiga uga dhigay, isagoo u tilmaamay inuu yahay erey gef iyo edeb darro ku ah shacabka Somaliland ee sida Dimuqraadiga ah ugu soo doortay madaxweynaha oo aanay Mahiga hortii isticmaalin dawladda Somaliland iyo dunida ay xidhiidhka la leedahay midkoodna.

Jawaabtii Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu qoraalkaas Mahiga ka jawaabay 20 November 2012, waxaanu si adag uga jawaabay weedhaas uu ergayga Qaramada midoobay qoraalkiisa ku bilaabay. Sida ku cad dhambaalka Madaxweynaha ee uu Geeska Afrika arkay wakhtigaas, wuxuu Madaxweynuhu ugu hanjabay inuu dib u qiimayn doono in xafiiskiisa Hargeysa oo wakhtigaas loo yaqaanay UNPOS uu u taaganyahay danaha Somaliland iyo in kale. “Anigoo ku hadlaya magaca Somaliland, waxaan jecelahay inaan saxo ereyga gefka ah ee ku jira warqadaada ee igu tilmaamaya Madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland ee Somaliya, waa erey ay dawladaydu u aragto inaanu ahayn kii haboonaa. Ereygaasi waa gef iyo weliba edeb darro, iyadoo magacani aanay isticmaalin dawladayada iyo dawlad kale oo nala macaamisha toona.” Ayuu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku yidhi qoraalkiisa jawaabta ah, waxaanu isagoo ka hadlaya xafiiskii Mahiga ee Hargeysa uu yidhi, “Waxaan hadda dib u eegis ku samaynayaa inuu joogitaanka xafiiskaaga UNIPOS ee Hargeysa uu dan u yahay dalka.”

Madaxweynuhu wuxuu diblomaasigan xasuusiyay halganka dheer ee loo soo maray madaxbanaanida Somaliland isagoo ka soo bilaabay wakhtigii gumaysigii Ingiriiska, Midowgii lagu hungoobay ee Somaliya iyo halgankii xorriaydda dib loogu soo celiyay, waxaanu sheegay in madaxbanaanida Somaliland si cad loogu xaqiijiyay aftidii distoorka Somaliland ee sannadkii 2001-kii. Waxaanu xasuusiyay in weedha uu dhambaalkiisa u adeegsaday si cad uga horimanayo shirkii Ingiriiska lagu qabtay bishii Feebarwari ee 2012 oo laga soo saaray baaq lagu dalbanayay wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somaliya. Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo oo u muuqdya mid si farshaxan leh loo qoray, waxa kale oo uu ergaygan geeriyooday ee  reer Tansaaniya u tilmaamay in qoraalkiisu si cad uga hor-imanayo dedaalada lagu xoojinayo nabadgelyada iyo amniga gobalka Geeska Afrika.