Milicsiga Shakhsiyaadkii Ay Cigaal, Rayaale, Siilaanyo Iyo Muuse U Xusheen Siyaasadooda Arrimaha Dibadda Iyo Duruufaha Maanta Ee Gobalka

0
1523

Hargeysa(Geeska)-Marka la eego xaaladaha siyaasadeed ee gobalka Geeska Afrika, waxa ay dad badani qabaan inay Somaliland baahi weyn u qabto qorshe siyaasadeed khaaraji oo culus oo lagu waajaho amuuraha gobalka ka taagan.

Waxa dadka xidhiidhka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda aqoonta u lihi arkayaan in isbedelada xawaaraha ku socda ee gobalka uu ku soo kordhiyay Raysalwasaaraha Itoobiya ay saamayn ku yeelanayaan Somaliland iyo siyaasadeeda arrimaha dibadda.

Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland soo maray oo uu ugu dambeeyo Madaxweyne Biixi oo talada Somaliland maanta hayaa, wuxuu mid waliba samaystay rag iyo haween gadhwadeen ka noqda siyaasadooda arrimaha dibadda oo ay u dabo fadhiistaan.

Marxuum Cigaal

Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa waxa raggii Wasiirada arrimaha dibadda uu u magacaabay waxa ka mid ahaa Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), oo caan ku ahaa albaabo badan oo uu u furay Somaliland mudadii uu xilka hayay. Intii uu Marxuum Fagadhe ahaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa dalalkii uu safarka ku tagay ee uu Marxuum Cigaal madaxweynahooda waraaq ugu dhiibay ka mid ahaa dalka Ereteriya.

Mudadii uu Marxuum Fagadhe hoggaaminayay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland, waxa aasaasmay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya.

Cabdixamiid Garaad Cabdiqani ayuu sidoo kale Marxuum Cigaal u magacaabay wasiirka arrimaha dibada Somaliland markii Soomaaliya dawladda loogu dhisay Djibouti oo uu madaxweyne ka noqday Cabdiqaasim Salaad Xasan. Sidoo kale Dr. Maxamed Siciid Gees ayuu haddana u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda oo xilkaas hayay tan iyo Markii uu Marxuum Cigaal Geeriyooday.

Dr. Maxamed Siciid Gees waxa  la aaminsanyahay inuu wasaaradda kaga tagay qoraalo badan oo Somaliland ku saabsan iyo qorshe uu u sameeyay xidhiidhka Somaliland ee arrimaha dibadda. Gees wuxuu sidoo kale dhisay xidhiidka Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah. Dr. Gees wuxuu ahaa gacanyarihii Marxuum Cigaal ee kobcsiyay siyaasadda arrimaha dibadda Smaliland.

Marxuum Cigaal, wuxuu wasiirada arrimaha dibadda u magacaabay saddex masuul oo kala ahaa Fagadhe, Cabdixamiid iyo Gees.

Rayaale

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, intii uu ahaa Madaxweynaha Somaliland waxa uu markii u horaysay wasiirka arrimaha dibadda u magacaabay Marwo Edna Aden Ismaaciil oo caan ku ah difaaca qaddiyadda Somaliland. Marwo Edna waxa ay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ku soo kordhisay horumar, waxaanay gobalka Geeska Afrika ka ahayd haweenayda keliya ee hoggaaminaysa siyaasad arrimo dibadeed.

Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayuu markii dambe Madaxweyne Rayaale u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda. Wasiir Ducaale, wuxuu caan ku ahaa xidhiidho badan oo qaaradda Afrika iyo dalka Maraykanka ah oo uu Somaliland u soo xidhay. Waxa Wasiir Ducaale lagu xasuustaa dedaalkii uu u galay aqoonsi raadiska qaddiyadda Somaliland iyo sidii uu kor ugu qaaday wejiga Somaliland ee arrimaha dibadda. Wuxuu olole xoogan ku qaaday dalalka Afrika, waxaanay Somaliland gaadhay in qaddiyadeeda lagaga hadlo shirarka wasiirada dibadda ee Afrika.  Mudadii uu ahaa wasiirka arrimaha dibadda waxa uu Midowga Afrika u soo diray Somaliland wefti xaqiiqo raadis ah oo markii dambe Midowga Afrika u gudbiyay xaqiiqadii ay ku arkeen Somaliland, iyagoo ku baaqay in la aqoonsado qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Daahir Rayaale, waxa kale oo xukuumadiisii ku jiray khubaro kale oo aqoon durugsan u leh arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda sida Danjire Xuseen Cali Ducaale (Cawil). Sidaas daraadeed wuxuu Madaxweyne Rayaale haystay dhawr garab oo uu ku duuli jiray marka laga hadlayo siyaasadda arrimaha dibadda.

Daahir Rayaale Kaahin, mudadii uu ahaa Madaxweynaha Somaliland wuxuu wasiirka arrimaha dibadda u magacaabay laba xubnood oo kala ahaa Edna Aden Ismaaciil iyo Cabdillaahi Maxamed Ducaale.

Siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo, markii uu talada qabtay wuxuu siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland madax uga dhigay Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo ahaa xoghayihii arrimaha dibadda ee xisbiga KULMIYE. Dr. Maxamed wuxuu ibo furay wada hadaladii siyaasadeed ee u  horeeyay ee dhex maray Somaliland iyo Soomaaliya iyagoo si toos ah uga wada hadlaya mustaqbalkooda siyaasadeed, caalamkuna dhex joogo. Wuxuu hirgeliyay in deeq bixiyayaasha reer galbeedku aasaasaan in mucaawinada Somaliland loo soo mariyo dariiq gaar ah, waana mashruuca (Special arrangement) ee ay dawladda Soomaaliya dhawaan dunida ka codsatay in la joojiyo, waxaana la aaminsanyahay inuu xidhiidh dhow la samaystay dawladda Ingiriiska, iyadoo uu mudadii uu ahaa wasiirka khaarajiga  Siilaanyo la kulmay Raysalwasaarihii hore ee Ingiriiska David Cameron.

Dr. Maxamed Biixi Yoonis, ayuu Axmed-siilaanyo markii dambe u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda, waxaanu Maxamed Biixi Yoonis oo dunida ku lahaa saaxiibo badan oo diblomaasiyadeed, lagu xasuustaa doorkii uu ka ciyaaray wada hadaladii u dambeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhexmaray Djibouti oo laga soo saaray qodobo hiil u ahaa Somaliland.

Dr. Biixi oo ahaa aftahan wuxuu saaxiibo badan ku lahaa dalalka bariga Afrika, waxaanay saaxiibadaasi u fududayn jireen kulamo badan oo uu la qaatay madax badan.

Hase yeeshee Wasiir Biixi Yoonis ayaa iska casilay xukuumadii Axmed Siilaanyo, waxaana markaas uu Siilaanyo wasiirka arrimaha dibadda u magacaabay Dr. Sacad Cali Shire oo intii uu wasiirka ahaa door muhiim ka ciyaaray arrimaha DP world iyo saldhiga ay UAE ka dhisanayso magaalada Berbera.

Axmed Siilaanyo, waxa markaas mudadii uu hayay talada Somaliland uu wasaaradda arrimaha dibadda u magacaabay 3 Wasiir.

Madaxweyne Biixi

Sannadkan uu Madaxweyne Biixi hayay talada wuxuu marayaa wasiirkii labaad ee arrimaha dibadda. Wuxuu xilka hoggaaminta siyaasadda arrimaha dibadda u magacaabay markii uu talada qabtay Dr. Sacad Cali Shire. Wasiir Sacad, ayaa intii uu joogay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ilaa wakhtigii Siilaanyo waxa istaagay wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

Sacad Cali Shire oo caan ku ah inuu nadiif ka yahay arrimaha musuqmaasuqa, wuxuu mudadii uu ahaa Wasiirka khaarajiga ee Madaxweyne Biixi warbaahin caalami ah ku qoray maqaalo ka hadlaya qadiyadda Somaliland. Laakiin shacabka iyo siyaasiyiinta ayaa muddooyinkii dambe aad u dhaliili jiray Wasiir Sacad, waxaanu ku soo beegmay wakhti adag oo ay gobalka Geeska Afrika ku soo kordheen isbedelo badan.

Bishii hore ayuu laakiin Madaxweyne Biixi wuxuu wasiirka arrimaha dibadda u magacaabay Yaasiin Xaaji Faratoon oo hadda socdaal shaqo ku jooga dalka Maraykanka. Wasiir Faratoon oo uu rayul caamku aad uga horyimid marka la eego khibradiisa iyo awooda uu u leeyahay siyaasadda arrimaha dibadda, wuxuu la wareegay siyaasad khaaraji oo culayskeeda leh..

Gunaanad

Si kasta ha ahaate Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, sannadkan uu hayay talada Somaliland wuxuu ku beegmay iyadoo ay gobalka ku soo kordheen siyaasado cusubi oo aan ka jirin markii ay talada hayeen madaxweynayaashii ka horeeyay. Waxa heshiiyay Itoobiya iyo Ereteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya, oo samaystay dallad guud oo saamayn ku leh guud ahaan gobalka Geeska Afrika.

Waxa markaas Madaxweyne Biixi looga baahanyahay inuu alifo siyaasad khaaraji oo waajahda isbedelada gobalka, sahan cusubna u baadi-goobta qaranka, waxaana la eegi doonaa halka uu u foofiyo siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland iyo sida uu uga dabaasho dabaylaha gobalka ka socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here