Hargeysa(Geeska)-Doorashada madaxtooyada ayay dad badani ka qabaan walaac in markii labaad ay dib uga dhacdo wakhtiga loo qoondeeyay ee March 2017.
Walaaca laga qabo in doorashada wakhtigeedu ku qabsoomi weydo, ayaa waxa sal u ah wakhtiga hadhay iyo qabyada taala ee u baahan in la dhammaystiro ka hor wakhtiga loo qoondeeyay in ololaha doorashada madaxtooyadu bilaabmo.
Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisu waxa ay ku doodaan in xukuumaddu keliya qabsoomida doorashada ku leedahay waxyaabo kooban oo ay ka mid tahay inay diyaariso saaxadii lagu loolami lahaa iyo inay bixiso kharashka ku waajibay ee ku soo hagaagay. Sidoo kale Madaxweyne Siilaanyo wuxuu xukuumadii Daahir Rayaale ku canaanan jiray inay joojisay hadaladii ku saabsanaa ictiraaf raadinta.
Hase yeeshee, waxa xusid mudan aragtidii uu Madaxweyne Siilaanyo aaminsanaa ka hor intii aanu xilka qabanin ee uu ahaa mucaaradka.
Arrinta doorashada wuxuu Madaxweyne Siilaanyo waagaas aaminsanaa in masuuliyadda koowaad ee qabsoomida doorashadu saarantahay madaxweynaha oo wakhtigaas uu ahaa Daahir Rayaale Kaahin. Axmed Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyihii mucaaradka ee KULMIYE, waxa uu Geeska Afrika dib shacabka u xasuusinayaa khudbad uu jeediyay February 21, 2009 oo ay xisbiga KULMIYE ku soo biireen taageerayaal tiro badan oo ka soo baxay xisbigii UDUB.
Qabsoomida doorashada
Axmed Siilaanyo oo ka hadlaya cidda leh qabsoomida doorashada wuxuu maalintaas yidhi “Maanta waxaynu joognaa marxalada Dimoqraadiyadeenii halis ku jirto. Waxaynu joognaa waqtigii aynu doorashada geli lahayn. Marka u horeysa xilka waa la kala leeyahay. Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka waxa la doortaa muddo go’an oo cayiman oo shan sannadood ah, waana inta shacbigu u igmaday ee doortay. In doorashadu waqtigeeda la qabto xilka iyo masuuliyadu cida ay ka saaran tahay ee karaamada umadda inay ilaaliso tahay waa Madaxweynaha dalka. Afar jeer baa imika dib loo dhigay, mar walbana waxay talo kaga ururtay cid la doortay uun baa na bedeli karta. Laakiin, macnaheedu waxa weeye; oo hadday doorashoba dhici waydo sidee loo bedelayaa? Waxaanu umadda iyo dawladda u sheegaynaa, maanta arrintaasi way soo dhamaatay, shacbigii doorasho ayuu diyaar u yahay oo waqti baa loo qabtay. Cimrigaagii aad xukunka ku haysatay waad dheeraysatay. Markaas taas (muddo-kordhin) maanta kaa yeeli mayso umaddu oo lagaama ogola, maalinta doorashadu timaadana doorashadaa loo dareerayaa, doorashada ayaanay umaddani diyaar u tahay. Annagoo 100% kalsooni isku qabna, waxa aanaan kaa yeelaynin inaad hantida umadda, Booliska, Milateriga oo ah hay’addihii loogu talogalay inay shacbiga iyo wadanka ilaaliyaan aad u adeegsato cabudhinta iyo caga-juglaynta Suxufiyiinta iyo hadday tahay dad masaakiin ah oo xoolahoodii la dhacay oo loo ilaalin waayay….Dagaal lagu qaadi maayo, umaadduna maalintaas bay ku tusi doontaa halka ay kaa taagan yihiin iyo wixii aad ka galabsatay. Iyadoo loo marayo diriiqa sharciga ah iyo doorasho ayaa cod dharaar cad halkaa lagaaga qaadi doonaa baanu leenahay….Waxaanu diyaar u nahay, kaaga guulaysanaynaa kalsooni buuxdana ku qabnaa in aanu cod xalaal ah kaaga helayno oo aanu kaaga dirayno.”
Ictiraafka
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu maalintaas uu mucaaradka ahaa sheegay inay xukuumadii Rayaale joojisay warbixinihii ay shacabka u sheegi jirtay ee ictiraaf raadinta ku saabsanaa, waxaanu Siilaanyo maalintaas yidhi “Hore waxaynu ugu maqli jirnay dawladeena oo markay dibadda u baxdaba tidhaahdaa ‘Ictiraafkii wuu soo socdaa iyo wiiga dambuu imanayaa’, laakiin maanta kuma maqlaysid. Goormaa ugu dambaysay?. Iska daa Ictiraaf ay yidhaahdaane, waa kuwaa maanta u gacan-haadinaya Muqdisho ee leh dad walaalo ah oo aanay Xuduudi u dhexayn baynu nahay, taas baana muujinaysa halkay ku socdaan….”
Madaxweyne Siilaanyo, inkastoo oo uu ka gaabinta ictiraafka maalintaas ku eedaynayay Daahir Rayaale, haddana waxa xusid mudan in shalay oo u dambaysay oo uu Madaxweyne Siilaanyo Ingiriiska ka soo laabtay aanay masuuliyiinta xukuumadiisu shacabka u sheegin wax ku saabsan ictiraafka Somaliland.
Sidoo kalena waxa hadalkaas Madaxweyne Siilaanyo la garab dhigi karaa wada hadalada madhalayska noqday ee Somaliland iyo Somaliya oo uu madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ka taagnaa mawqif adag.