Milicsi Ku Saabsan Buugga “Duca-Qabe” Qalinka: Axmed Iid Aadan

0
852

Waxaan akhriyey buugga cusub ee dhowaan soo baxay magaciisuna yahay “Duca-qabe: Halgankii iyo Siyaasaddii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal” ee uu qoray mudane Xasan Cabdi Madar, ayna daabacday shirkadda Sagaljet. Si xiise iyo u-fiirsi leh ayaan u akhriyey, markii aan dhammeeyeyna waxa ay ila noqotay wax aan badnayn in aan ka qoro.

1

Ugu horreyn aynu maanka ku hayno, sida ay dadka qaar moodi karaan in aanu buuggu ahayn mid xoogga saaraya taariikh-nololeedkii iyo noloshii gaarka ahayd ee, Alle ha u naxariisto ee madaxweynihii hore ee Soomaalilaan, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Waxa uu in badan inooga iftiiminayaa halgankii iyo siyaasaddii Cigaal oo ah laba wax oo xidhiidh weyn la leh qaddiyadda guud ee ummadda. Marka waayihii halgan iyo siyaasadeed ee Cigaal laga hadlayo waxa la is arkayaa waayihii iyo siyaasaddii ummadda in badan oo ka mid ah iyada oo laga hadlayo iyada oo aan malaha aad loo dareemayn meelaha ay iska gelayaan sida aan loo dareemin halka ay soojeedka iyo gama’a (hurdadu) iska galaan.

Waayihii halgan iyo siyaasadeed ee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa lagu tilmaami karaa sida dhiganaha ku xusan sida badweynta oo kale. Badweyntaas oo in kolba dhinac laga milicsado mooyaane aan si fudud looga dhammaan karayn ayeynu dhibco yar yar ka soo qaadanaynaa.

Cigaal waxa uu siyaasadda ku jiray muddo konton sannadood gaadhaysa, waxanu ka qayb qaatay hawlihii gobannimaddoon, midnimo iyo maamul ee kala danbeeyey. Markii uu burburku dhacay ka dibna waxa uu noqday madaxweynihii labaad ee jamhuuriyadda Soomaalilaan, waxana lagu tilmaami karaa aabbihii Soomaalilaan ta cusub ee casriga ah.

Cigaal waxa uu ahaa siyaasi wanaagsan oo siyaasadda wax badan u hura. Sida ku qoran bogga 6-aad ee buugga, kornayl Sulaymaan Cumar-ku-joog oo tilmaan ka bixinaya qofnimadii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa waxa uu yidhi: “…Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahaa macallimiintii ugu horreysay Somaliland waxa uu yidhi ‘markay iskuulka dhigan jireen arday walba waxanu weydiin jirnay maxaad doonaysaa in aad noqoto? Laba nin baa waxay odhan jireen rumeeyey. Xasan Kayd oo odhan jiray millateri baan rabaa in aan noqdo iyo Cigaal oo odhan jiray waxan doonayaa in aan siyaasi noqdo’. Magac buu siyaasadda u galay ee maaliyad uma gelin, waanu ku guulaystay. Siyaasaddu marna maskaxdiisa kama bixin. Nin qabiili ah ma uu ahayn hase ahaatee waxa uu ahaa nin markuu doono siduu doono ugu shaqaysan kara oo markuu u baahan yahay adeegsada, maxaa yeelay mujtamaca meesha yaal baa qabiilkaa ka rakiban.”

Xukuumaddii uu Cigaal raysalwasaaraha ka ahaa markii la afgembiyey, Cigaal waxa la xidhay muddo 12 sano ah. “Dawladdii Cigaal raysalwasaaraha ka ahaa waxa lagu xasuustaa dimuqraaddiyad ballaadhan, xorriyadda hadalka, saxaafad madax bannaan iyo dadka muwaaddiniinta ah oo haystay madax bannaani ay ku cabbiraan rabitaankooda hadal iyo ficilba. Waxa taas ka danbeeyey 21 sano oo cabbudhin iyo cadaadis ah ilaa uu dalkiiba burburay oo kala daatay 1991-kii.” (bogga 7-aad).

Cigaal markii uu raysalwasaaraha ahaa waxa uu u dooday Shiinaha, arrintaana waxa uu qoraaga, Xasan Cabdi Madar oo si faahfaahsan inoogu soo gudbinayaa u dhigay sidan: “In kasta oo Jamhuuriyadda Shiinuhu ay ka mid ahayd aasaasayaashii Ururka Qarammada Midoobay, haddana mashkilado dagaal sokeeye iyo qaybsan dhexdooda ah ayaa suura-gelin waayey in Shiinuhu si buuxda oo midaysan uga mid noqdo ururkaa. Taasi waxa ay keentay in Jamhuuriyaddii Dadka ee Shiinuhu (The People’s Republic of China) loo oggolaan waayey in ay qayb ka noqoto Qarammada Midoobay, xubinnimadiina ay sii haysato qaybtii la magac baxday Jamhuuriyadda Shiinaha (Republic of China) ee xarunteedu ahayd Taiwan, dhul aad u yarna ka talinaysay.

“Raysal-wasaarihii Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal hadal uu 7-dii Oktoobar 1969-kii ka jeediyey kulankii Golaha Guud ee Qarammada Midoobay waxa uu u dooday xuquuqda Falastiin iyo in gaar ahaan dalweynaha Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha loo oggolaado in uu Qarammada Midoobay ku biiro. Isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi: ‘Suurta-gal ma aha in dal aynu ka doonno in uu xushmeeyo awoodda Qarammada Midoobay iyadoo dalkaasi aynu iska hor taagnay in uu qayb ka ahaado qaabka aynu go’aannada ku gaadhno. Waxa taas soo raacda in aan la filan in awoodda Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa ay miisaan yeelato haddii laga tago mabda’a ah in adduunyadu ay wax wadaagto oo indhaha laga qarsado. Waxa igu filan in aan idhaahdo in aniga iyo waftigayguba aannu taageeri doonno sidii aannu horeba had iyo jeer u yeeli jirnay wixii go’aan ah ee u suura-gelinaya Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinuhu in kaalinta ay xaqa ugu leeyihiin ay ka galaan Qarammada Midoobay haddii ay ahaan lahayd golahan loo dhan yahay, ka ammaanka iyo hay’adaha kaleba.’ “

Qaraarkii Golaha Guud ee Qarammada Midoobay 2758 ee 25-kii Oktoobar, 1971-kii ayaa si buuxda loogu oggolaaday dalweynaha Shiinuhu in uu xubin buuxda ka noqdo  La soco………