Miliciga Wargeyska Madaxweyne; Maantana Adigu Badbaadi Somaliland

0
517

Picture5Maanta waxa dib u furmaya wada hadalka u dhexeeya xukuumadda iyo KULMIYE oo isku dhinac ah iyo labada xisbi mucaarad oo isku dhinac ah, kaas oo lagaga tashanayo xal ka gaadhista khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay muddo kordhinta ay golaha guurtidu sameeyeen ee ah sannad iyo tobanka bilood.

Wada hadalka waxa isugu imanaya laba dhinac oo marka si dhab ah loogu dhabbo galo kala sita aragtiyo kala fog oo mindi mindi ku taag ah. Labada xisbi mucaarad waxa ay xukuumadda iyo KULMIYE u gudbiyeen inay taaganyihiin wakhtigii ay guddiga doorashadu u cayintay doorashada ee ahaa 1 June 2016, taas oo muujinaysa inay dib uga noqdeen soo jeedintii saqiirtay ee ay saddexda xisbi isla garteen ee ahaa in muddo kordhinta guurtida lagu saleeyo November 15 2016.  Inkastoo ay warar saadaal ahi ka soo baxeen dhinaca xukuumadda, haddana 24-kii saacadood ee u dambeeyay waxa soo baxay war kale oo sheegaya in xukuumadda iyo KULMIYE taaganyihiin in la hirgeliyo muddo kordhinta ay guurtidu samaysay, taas oo iyana ah mawqif adag.

Marka ay labada aragtiyood ee labada dhinac ee maanta kulmayaa ay halkaas kala taaganyihiin, waxa ay shacabka Somaliland qabaan walaac ah suurtogalnimada in haddii ay wada hadaladani fashilmaan ay Somaliland geli karto xaalado adag oo isugu jira gudaha iyo dibadda, iyadoo maanka lagu hayo baaqyda ay beesha caalamku soo saarayso ee ay ugu soo dhaaranayso Somaliland.

Hase yeeshee, waxa ay dad badani xasuusanyihiin weedho  odaytinimo oo ku jiray khudbadii uu Madaxweyne Siilaanyo jeediyay 18 May. Wuxuu Madaxweynuhu yidhi  “Waxaan ahay Axmed-kii shalay 80-ka cod ee muranku ku jiro kaga tegay kursi madaxweynenimo, anigoo tixgelinaya maslaxadda dalka. Xukun maroorsi iyo mansab jacayl layguma yaqaan, oo waxaan ahay hogaamiyihii ka badbaadiyay Somaliland laba shir beeleed 1996-kii oo lagu kala dooran lahaa madaxwayne, xilligaas oo ahaa mid aad u adag, Somalilandna intan ka jilicsanayd. Waxaan tudhaale awgeed u tanaasulayey aniga iyo xisbigayguba siddeed sannadood oo aanu mucaarid ahayn, waxaanan aqbalay saddex muddo kordhineed oo sanka isku haya.

Caado iyo curfi toona uma lihi in aan damac kursi-doon dalkayga u dumiyo. Xaasha, manta aniga oo cimrigaa joogana, la iiga biqi maayo in aan dibin daabyeeyo dalkan iyo dadkan dumadayda saaran.”

Wakthiga uu Madaxweynuhu khudbadiisa ku soo hal qabsaday wuxuu ahaa hoggaamiye mucaarad ah, maantana waa hoggaamiyihii qaranka Somaliland. Sidaas daraadeed waxa ay shacabka Somaliland ka filayaan inuu maantana badbaadiyo qaranimada Somaliland oo uu la yimaado go’aan adag oo hoggaamiyenimo islamarkaana uu meesha ka saaro in murankan shanta bilood ahi uu dhaawac culus u gaysto Somaliland iyo shacabkeedaba. Madaxweyne Siilaanyo isagoo ka duulaya masuliyadda saaran iyo inaanu la ficiltamin mucaaradkiisa oo uu iyaga laftooda madaxweyne u yahay, waxaanu u soo jeedinaynaan inuu dib u soo celiyo soo jeedintii saqiirtay ee ay saddexda xisbi isla soo qaadeen ee ahayd in muddo kordhinta lagu saleeyo 15 November 2016, si uu wadanka uga badbaado tafaraaraq aan wakhtigan loo baahnayn

Madaxweyne Siilaanyo, si uu meesha uga saaro shanta bilood ee muranka adag abuuray, waxa looga fadhiyaa inuu hirgeliyo soo jeedintii hore ee ahayd 15 November 2015, taas oo haddii uu hirgeliyo u soo hoyn doonta sumcad wanaagsan oo taariikhda u geli doonta.

Xisbiyada mucaaradkanan waxa looga baahanyahay in haddii uu Madaxweynuhu meesha ka saaro shanta bilood ee ay guurtidu ku kordhisay wakhtigii ay xisbiga KULMIYE mawqif ahaan isla qaateen balse farsamo ahaan banjaray inay aqbalaan iyagoo wax walba ka horaysiinaya danta guud ee qaranka Somaliland.

Ugu dambayn hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee Somaliland waxa looga fadhiyaa inay danahooda ka horumariyaan danaha guud ee qaranka islamarkaana aanay shacabka ku jira xaaladda nololeed ee adag ku soo dhex tuurin biibiile siyaasadeed oo qas iyo fawdo ka dhex abuura.