Midowga Yurub Oo Bilaabay Tallaabo Milateri Oo Uu Wax Kaga Qabanayo Mukhalasiinta Tahriibka Ee Liibiya

0
554

Picture5Tripoli (Geeska)- Midowga Yurub ayaa arbacadii shalay si rasmi ah u bilaabay hawlgallo milateri oo lagu qabanayo dadka tahriibiya dadka ee mukhalasiinta loo yaqaanno.

Doonyo dagaal oo Midowga Yurub leeyahay ayaa bilaabay in ay gaaf-wareegaan biyaha caalamiga ah ee badda  Mediterranean-ka oo u dhexaysa qaaradda Afrika iyo Yurub, si ay u soo qabtaan mukhalasiintan oo loo bixiyey Maafiyada Badda.

Tallaabadan oo uu Midowga Yurub qaaday kadib markii golaha ammaanka ee Qaramada midoobey iyo maamulka Liibiya  uu ka helay ogolaanshiyaha in ay u gudbi karaan biyaha dalka Liibiya.

Bishii hore ayaa ay ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Federica Mogherini ay shaaca ka qaadday in Midowga Yurub uu bilaabi doono hawlgalkan milateri oo ujeedadiisa ay ku sheegtay in lagu kala eryayo shabakadaha tahriibiyeyaasha oo iyagu ka mid ah sababaha ay u mateen dadka u tahriibaya qaaradda Yurub.

Midowga Yurub ayaa lix doonyaha dagaalka ah oo u joogay badda Mediterranean-ka ku soo dhoweeyey xeebaha dalka Liibiya oo ah bar-bilowga ay doonyo badan oo tahriibayaal sidaa ka shiraacdaan. Waxa aanay ka kooban yihiin markab kuwa diyaaradaha qaada ee dalka Talyaaniga ah, saddex maraakiibta milateriga ah oo ay kala leeyihiin Faransiiska, Ingiriiska iyo Isbayn iyo laba doonyaha dagaalka ah oo Jarmalku leeyahay. Waxaana la sugayaa in ay bishan dabayaaqadeeda ku soo biraan saddex markab oo kale oo ay leeyihiin dalalka Belgium, Ingiriiska iyo Slovenia, taas oo dhamaystir u noqon doonta awooddan ciidan ee uu Midowga Yurub kula dagaalamayo Mukhallasiinta tahriibka, waxaa kale oo ciidamada Yurub ka mid ahaan doona afar diyaaradaha dagaalka ah iyo ciidan tiradoodu dhan tahay 1’318, kuwaas oo boqol ka mid ah la siiyey tababar gaar ah oo ku aaddan weerarka laga doonayo in ay ku qaadaan mukhalasiinta, gaar ahaan haddii ay hub adeegsadaan kooxahaas tahriibku iyo weliba sida loo baacsado doonayaha dheereeya loona fuulo si ay u eryadaan tahriibiyeyaasha haddii loo baahdo.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Al-Qudus oo ka soo baxa dalka Ingiriisku waxa uu intaas ku daray in toddobaadadii u dambeeyey uu midowga Yurub hor joogsaday 20 laashashka kalluumaysiga iyo ku kuwo rabadh ka samaysan ah, kuwas oo ay tahriibayaal saarnaayeen waxa aanay dib ugu soo celiyeen xeebaha  liibiya.

Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan badda ayaa la sheegayaa in ay xidheen dhammaan marinnadii doonyaha tahriibku ka gudbi jireen ee dhinaca Yurub iyo xitaa kuwii dhinaca Tuuniisiya u baxayey, sidoo kale waxa ay habeenkii si aad ah ugu soo dhowaadaan xeebaha Liibiya, si ay xogo uga urursadaan, una kormeeraan dhaqdhaqaaqa jira isla markaana u dabagalaan hirarka talefannada gacanta ee ay adeegsadaan Tahriibiyeyaashu. Waxaa la filayaa in ay dhulka Liibiya keeni doonaan basaasiin badan oo dhex gala mukhallasiinta si ay wararkooda oo sugan u helaan.