Mercy Corps Oo Dhisaysa Fasalo Ka Tirsan Dugsiga Dayib-Gurey

0
724

DSC05185Hargaysa( Geeska )-Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Cali Xaamud Jibriil  ayaa dhagax dhigay shalay dugsiga sare ee Dayib Guray oo afar fasal ay u dhisayso hay’ada Mercy Corps.

Dugsigan oo ay dhigtaan 1000 arday waxa ka jira cidhiidhi dhanka fasalada iyo kuraasta ah waxaanu maamulaha dugsigaas Khadar Cismaan Cali( Budhle)  uu sheegay in fasalada qaarkood ay ardayda fadhiistaa kor u dhaafayso 120 arday. Afartan fasal ee lagu kordhinaayo dugsigan Dayib Guray ayaa wax ka tari doona cidhiidhiga dugsigaas ka jira.

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Cali Xaamud Jibriil oo isagu dhagax dhigay fasaladan cusub ee lagu kordhiyay dugiga Dayib Guray waxa uu yidhi “ Waxaan maanta [shalay] dugsiga sare ee Dayib Guray aanu u dhagax dhigaynaa afar fasal oo lagu kordhiyay oo ay maalgalinayso hay’da Mercy Corps. Dugsigan Dayib Guray waxa uu ka kooban yahay 10 fasal, 10-kaas fasalna waxa fasalka afraad ah saddex fasal, fasalka sadexaad waa afar fasal, fasalka labaadana waa sadex fasal, hadaan eego fasalada qaar sida kuwa sadexaad fasalkiiba waxa fadhiista 120 arday, halka fasalka ugu yar ee saaka fadhiyaa uu yahay 70 arday. Dugsigan markaas waxa uu qaadi la’yahay ardaydii fasaladii galinka hore ku dhiganayay oo qaar 120 yahiin, qaarna 100, waxaana ugu yar fasalka 70 arday ay fadhiistaan, markaas baahidaas jirta anagoo ka turjumayna ka wasaarad ahaan waan u hawl galnay waxanan soo helayn oo ku kordhinay dugsiga afartan fasal ee maanta loo dhagax dhigaayo.” Ayaa uu yidhi, waxaanu hadalkiisa ku soo gunaanaday  wasiir ku xigeenku “ “Waxa aan mahadnaq gaara u soo jeedinayaa hay’ada Mercy Corps, iyaga oo afartan fasal nagu caawiyay, waxyaabo kale oo farabadana nagu caawisay aad ayaanan mahadnaq gaara u siinayaa hay’adda.”

Maamulaha dugsiga Dayib Guray Khadar Cismaan Cali ayaa isaguna dhankiisa ka war baxiyay dugsiga iyo xaalkiisa, waxaanu mahadnaq u soo jeediyay wasaarada wax barashada iyo hay’ada fasalada dhisaysa ee Marcy Corps “ Waxa dugsigan dhigta arday 1000-na, waana toban fasal, dugsigan waxa uu ka koobanaa markii hore sideed fasal oo kaliyaata, waxaan doonayaa inaan halkan uga mahadnaqo guddida waalidiinta dugsigan Dayib guray oo sanadkan gudihiisa ku kordhiyay iyaga oo aan hay’ad iyo cid kale toona u marin laba fasal dugsiga, hadaan labadaas fasal ladhisin waxaan u malaynayaa in aan dugsigu furnaan kareenba, waxaan u mahadnaqaynaa wasaarada waxbarashada oo arintan aad noogala shaqaysay iyo hay’ada MercyCorps ee noo dhisaysa afarta fasalba.”

Maxamed Xasan oo ku hadlay magaca hay’ada  Mercy Corps ee iyadu dhismaha fulinaysay ayaa dhankiisa yidhi sidan “ Sida uu wasiirka iyo muumulaha dugsigu ay u sheegeen hay’adan wax kale uma joogto inay dad weynaha iyo shacabka reer Somaliland wax la qabato mooyaane, sababtaasan maanta dugsigan ugu nimi waa inaan wax ka qabano. Muhiimaduna waxa weeye maadaama oo aanay hay’adan lacagta wax lagu fulinaayo lahayn in loo mahadnaqo dawalada Maraykanka oo shacabkeedu lacagtan soo baxiyay.”