Madaxweyne Siilaanyo Oo Balanqaad Ka Sameeyay Tabashada Beesha Gabiley

8
640

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu reer Gabiley u balan qaaday inuu wax ka qaban doono tabashada ay ka tirsanayaan maamulkiisa.

Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo hadalkan ka sheegay kulan xalay ka dhacay qasriga madaxtooyada oo uu ku qaabilay cuqaasha Beesha Jibriil Abokor, waxaana la sheegay inay goob joog ahaayeen masuuliyiinta beeshaas xukuumadda kaga jirta. Ilahaasi waxay intaas ku dareen in odayaasha Beesha ka socday ay Madaxweyne Siilaanyo u bandhigeen tabashooyinka ay tirsanayaan oo ay ka mid yihiin xil ka qaadistii labadii taliye ciidan ee u dambeeyay ee Nuux Ismaaciil Taani iyo Maxamed Xasan Cabdillaahi Jidhif, oo ay sheegeen inay aad uga xumaadeen sifaha xilka looga qaaday iyo xaaladaha lagu beegay. Waxa kale oo ay soo bandhigeen xilal kale oo ay ku lahaayeen xukuumadii hore ee Daahir Rayaale Kaahin oo ay sheegeen inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka dhaxal wareejisay.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu kulankaas ka sheegay inuu ka garaabayo tabashooyinka qaarkood, waxaanu balan qaaday inuu wax ka qaban doono marka uu ka soo noqdo shirka uu kaga qayb galayo magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo odayaasha Beesha u sheegay inaanay jirin wax xumaan ah oo uu dadka deegaanka Gabiley u qabo.

Kulankaas oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha dibadda, Agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiliga, la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda, waxa dhinaca odayaasha iyo cuqaasha horkacayay Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan oo ah suldaanka guud ee Beeshaas iyo cuqaal ay ka mid ahaayeen Caaqil Cabdi Ciidle iyo cuqaal kale.

Kulankan ayaa ka dambeeyay dareeno is abaabul oo maalmihii u dambeeyay laga dareemayay magaalada Gabiley iyo weliba shirar doceedyo beeshaas u socday, kuwaas oo la sheegay inay sal u ahaayeen inay la xisaabtamaan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo xukuumadiisa oo ay aaminsanyihiin inay si laxaad leh u taageereen xilligii doorashadii madaxtooyada.

Comments are closed.