Is Casilaadii Agaasimaha dibadda oo Rayul Caamka soo jiidatay

1
613

Hargeysa(Geeska)-Iscasilaadii agaasimihii guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Maxamuud Raage Ibrahim, ayaa soo jiidatay indhaha rayul caamka Somaliland, waxaanay is casilaadaasi ahayd mawduucii ugu hadal haynta badnaa toddobaadkan.

Sababaha ay is casilaadu u soo jiidatay indhaha bulshadu maaha shaqo ka tagista agaasimahaas hore oo aanay dad badani aqoon u lahayn, sababtuse waxa weeye xogaha uu soo bandhigay ee isugu jiray musuqmaasuq iyo takrifal awoodeed. Wasiirku wuxuu fadeexadaha uu tiriyay u adeegsaday qoraalo uu saxaafadda u soo bandhigay oo ay ka mid ahaayeen warbixino ka hadlayay sanduuqyo xisaabeed.

Arrimahanina waxay sababeen in bulshadu indho fiiqan ku soo eegto kuna dhagaysto doodda agaasimaha hore oo wejigiisa laga dareemayay cadho badan. Wasiirka Arrimaha dibadda oo ka jawaabay eedaymahaas ayaa wuxuu hadalkiisu u muuqday mid is difaac iyo eedayn ah, laakiin kuma dhiiran inuu ka jawaabo fadeexadaha uu agaasimihiisu ku eedeeyay ee musuqmaasuq oo ay ugu horayso lacag uu agaasimuhu sheegay inuu wasiir Maxamed Cabdillaahi kula baxay in lagu furi doono safaaradii Somaliland ee Koonfurta Sudan balse aan ilaa hadda la furin. Wasiirka madaxtooyada oo uu isna ku eedeeyay inuu kala gooyay maamulkiisa dalka islamarkaana uu Madaxweynaha ka hortaaganyahay masuuliyiinta uu xilalka u dhiibtay ayaan isna ka jawaabin eedaymahan. Sidaas oo kale Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaan isna ka tiraab celin hadalada agaasimihii oo dareenka dadka soo jiitay.

 Khadiija Cabdillaahi oo ah muwaadinad uu Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyay is casilaadda agaasimaha iyo sida ay u aragto ayaa waxay tidhi, “Anigu waxaan isleeyahay ugu yaraan waxyaabaha uu agaasimuhu soo bandhigay waxbaa ka jira.”

Farxaan Axmed Yuusuf ayaa isna yidhi, “Arrintaas agaasimuhu sheegay ee musuqmaasuqa haddii aanu Madaxweynuhu talaabo ka qaadin isaga ayay ceeb iyo maamul xumo ku tahay. Tan ku tagrifalka awoodda wasiiradiisa; horeba waa loo ogaa waxase aan ogahay inay maalin gaadhi doonto meel aan waxba laga qaban oo shacabku farta isugu wada fiiqo.”

Laakiin Mawlid Yusuf Cabdillaahi, ayaa isagu aragti kale qaba, “Agaasimuhu wuu deg degay hadaladisana waxa ka muuqatay caadifad markaas lama rumaysan karo hadaladiisa.”

Si kastaba ha ahaate eedaha culus ee agaasimuhu soo jeediyay waxay u muuqdaan kuwo soo jiitay indhaha bulshada oo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo aqlabiyad ku siiyay codkooda xilligii ay qabsoontay doorashadii madaxtooyada, waxaana la filayaa in maalmahan soo socda marka uu Madaxweyne Siilaanyo u sii socdaalayo dalka Ingiriiska ay saxaafadu wax ka weydiin doonto eedaymaha uu Agaasime Raage tiriyay.

Comments are closed.