Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Afaraad ee qormada uu Geeska Afrika Afsoomaaliga u soo rogay ee soo bandhigaysay meelo ka mid ah goobaha dunida ku yaalla ee aan aadamaha dibadda kaga yimid loo ogolayn in ay galaan:
8. Jasiiradda Surtsey:
Jasiiradda Surtsey oo ku taalla Koonfurta dalka Jasiiradda Iceland lagu magacaabo, oo ah jasiirad caan ku ah Burkaanooyin joogto ah ayaa asalkeeda horeba ku samaysantay qarax burkaane oo bilowday sannadkii 1963kii ku dhammaaday 1967kii, waxa aanay ka mid tahay meelaha laga mamnuucay in bani’aadamku tago ama ku noolaado, marka laga reebo tiro yar oo ah xeeldheerayaasha cilmiga Geology-ga oo cilmibaadhiso ku taga.
9. Matxafka Jiangsu:
Jiangsu waa matxaf qaddiimi ah oo ku yaalla dalka China, waxaana ku kaydsan dhukumantiyada ugu tirada badan ee sirta ah ee ka hadlaya hawlgallada iyo shaqooyinka kala duwan ee sirdoonka Shiinuhu qabtay tan iyo intii ka dambaysay sannadkii 1927kii iyo sidoo kale aataarta iyo waxyaabaha taariihiga ah ee la xidhiidha sirdoonka.
Waxyaabaha Matxafkan yaalla waxaa ka mid ah baastoolado yaryar, qalab yaryar oo ah kuwa dadka lagu dhegeysto. Sida uu dhigayo sharciga dalka Shiinaha uga yaalla Matxafkan waxaa mamnuuc ah in ay booqato cid aan u dhalan dlakaas, waayo dawladda China waxa ay cabsi ka qabtaa in cid ajaanib ahi si uu matxafkaas uga hesho sirta ku duugan, cid aanay doonaynna ka faa’idaysato khibraddaas amni ee Shiinaha.
10. Qudbiga Ise Grand
Dalka Jabaan waxaa ka dhisan Qabri ah kan ugu weyn dalka Jabaan ee la siyaarto, waxa aanu ku taariikh leeyahay caqiidada qaldan ee dalkaas ka jiri jirtay taariikhihii hore oo ah xilligii Ilaahyada qorraxda. Quburaha uu qudbigani ku yaallo waxa kale oo ku yaalla laba qudbi oo kale oo muhiim ah iyo 125 qabri oo yaryar oo dheeraad ah.
Haddaba dalka Jabaan waxaa ka jira sharci mamnuuc ka dhigaya in cidda booqata qabriyadani ay gudahau gasho qudbiga Ise Grand, cidda keliya ee loo ogol yahayna waa Suufiyada diintaas Qorrax caabudka. Dhammaad