“Meel Inoo Nooli Ma Jirto, Meel Walba Dab Ayaa Inagaga Qiiqaya”

0
1005

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku dhawaaqay in xaalada dalku ay ka sii dartay isla markaana ay jiraan colaado beeleed iyo kuwo Somaliya ay Somaliland ku soo qaaday oo aan la eegan karin.

Waxa uu guddoomiye Saleebaan sheegay in galbeedka iyo bariga dalkaba ay beeluhu dagaalamayaan,abaaro jiraan sida oo kalena ay Puntland ay dagaal wado, waxaanu ku taliyay in laysku dayo in xaalada wax laga qabto, waxa uu ku dhawaaqay inay arimahan xukuumada kala arinsan doonaan marka madaxweynuu soo noqdo, isla markaana galbeed iyo bariba ay wafti guurti ah u diri doonaan si ay xaaladahan ay wax uga taraan.

Guddoomiye Saleebaan ayaa ka hadlaayay kalfadhigii guurtida oo furmay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay qaylo dhaantan “Meel inoo nooli ma jirto meel walba dab ayaa inagaga qiiqaaya, abaar ayaa Alle inagu soo beegay abaartana ka ducaysta oo inoo duceeya, Alle haynaga kiciyo, colaada se inaga ayaa isku hayna meel aan bari iyo galbeed qiiqayn ma jirto waa wada colaad qabiil, col ka xun qabyaaladina dunidaba ma soo marin, afar dagaal ayaa inagu qiiqaya iyo mid qaran oo ay Puntland inagu hayso iyo Somaliya, Alle haynaga damiyo,Alle haynaga damiyo waxa lagu daraa ficil ee waxii aynu ka tari karnona aynu ka qabano, colaad waartay khayr iyo ijaabo midna ma laha, inaga iyo xukuumadu waxaynu isku biirsanaba bal colaadahaas reeraha sidii aynu u damin lahayn aan hawsheeda galno,madaxweynuuna haynoo soo noqdo, waynu ka wada hawl galaynaa, laakiin waxay u baahantay dedaal, inaan dadka dhex marno weeye oo aynu la aragno xaaladooda bal horta tan biyo la’aanta caws waaba jiraaye iyo colaada tan, laba wafti oo balaadhan ayaynu diraynaa haddii Alle yidhaahdo oo bari iyo galbeed u kala baxa muddo  waynu ku qaadan waxii laga qaban karona qaran ahaan markaan is kaashano waan ka qaban.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here