Md. Jamaal Caydiid Iyo Marwo Shukri Xariir Oo Shacabka Ka Tacsiyeyay Geerida Yaasiin Jirde

0
608

Picture1Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha hay’adda abaabul ka saarka Qaranka Md. Jamaal Caydiid Ibrahim iyo Wasiir ku xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada marwo Shukri Xariir Ismaaciil, ayaa shacabka Somaliland iyo qoyska reer Xaaji Ismaaciil Jirde ka tacsiyeeyay geerida ku timid marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ahaa saxafi caan ah oo ku geeriyooday magaalada London.

Jamaal Caydiid, oo la soo xidhiidhay Geeska Afrika ayaa yidhi, “Waxaan shacabka Somaliland guud ahaantood ka tacsiyaynayaa geerida ku timid marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, oo shalay ku geeriyooday dalka Ingiriiska. Marxuumku wuxuu ahaa saxafi iyo siyaasi caan ka ah dhulka ay Somalidu degto,waxaanu ka soo jeedaa qoys xadaarad leh oo ah reer Xaaji Ismaaciil Jirde. Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.”

Wasiir-xigeen Shukri Xariir ayaa iyaduna tidhi, “Waxaan shacabka Somaliland guud ahaantood ka tacsiyaynayaa geerida marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, oo shalay ku geeriyooday dalka Ingiriiska. Anigu marxuumka waxaan u lahaa aqoon gaar ah oo si fiican ayaan u aqaanay, waxaanu ahaa qof af gaaban oo Alle ka cabsi badan oo hawlkar ah, wuxuu saxaafadda Somalida ku soo kordhiyay duruus muhiim ah oo ilaa maanta laga faa’iidaysto. Alle waxaan ka baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo ehelka uu ka tagay iyo qoyska reer Xaaji Ismaaciil Jirde, uu iyagana samir iyo iimaan ka siiyo.”