Maxkamadda Oo Mudaysay Dacwad Ka Dhan Ah Ogaal

0
683

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda gobolka Maroodi jeex  ayaa Shalay  mudaysay dacwad loo haysto Wargeyska madaxabanaan ee  Ogaal, isla markaana waxay maxkamaddu  masuuliyiinta wargeyska ogaal ku wargelisay inay ka soo qayb galaan dacwadda loo haysto.

oooo

Qoraalka Maxkamadda ka soo baxay oo Xalay Wargeyska Ogaal soo gaadhsiiyay Wargeyska Geeska Afrika, oo uu ku saxeexanyahay garsooraha maxkamadda gobalka maroodi jeex Xasan Cabdillaahi Cawaale,  ayaa u dhignaa sidan “Maxkamada Gobolka M/jeex Hargeysa waxay u mudaysay maalinta ay taariikhdu tahay 02/04/2016, 8:00 saac ee subaxnimo ee ay garsuge ka yahay eedaysanaha magiciisu yahay:-

Muuse Jaambiir Ibraahim ina Deeqa Xuseen L/47 jir ah

kaas oo ku eedaysan Qod:-328, 269 iyo 452 XCG

Sidaa darteed waxay maxkamada gobolka hargeysa idinku amraysaa inaad ka soo qayb gashaan dhagaysiga dacwadan ciqaabta ah ee sumadeedu sare ku xusan tahay.

F.G: Maxkamadu waxay qaadaysaa talaabo sharciya oo ku haboon dhinicii ka maqnaada fadhigan maadmaa oo fadhiya hore baaqdeen.”