Madaxweynaha Cuba Oo Si Adag Isaga Qabtay Gacanta Obama Oo Doonayey In Uu Garabka Qabsado

0
511

Havana (Geeska)- Booqashada madaxweynaha Maraykanka Barak Obama uu ku tegey caasimadda dalka Cuba oo ah tii ugu horreysay ee muddo 88 sano ah madaxweyne Maraykan ahi ku tago dalkaas ayaa warfidiyeenka u guur-galay ay sheegeen in ay ku jireen dhacdooyin iyo muuqaallo badan oo taariikhi ah, kuwaas oo isugu jira farxad iyo mararka qaarkood in hoggaamiyeyaasha midkood uu la kulmo arrin ugu yaraan diiqad iyo khajilaad ku beerta ama samayn ku yeelata diblumaasiyadda oo uu ka baqo in ay taariikhda gashay.

55555

Waxaa ugu xiisa badnayd tii uu Obama kala kulmay madaxweynaha Cuba Raul Castro mar uu Obama doonay in uu garabka soo qabsado.

Labadii maalmood ee u dambeeyey waxaa warbaahinta dunida iyo bar-kulannada bulshada ee internet ka si weyn loogu wareejinayey sawirrada Madaxweyne Obama oo khajilaad weyn kala kulmay Castro, waxa aanay wararku sheegayaan in markii uu dhammaaday shir jaraa’id oo ay labada hoggaamiye wada jir u qabteen ee la gaadhay xilligii ay dhaqaaqi lahaayeen uu madaxweyne Obama isku dayey in uu garabka soo qabsado Castro, laakiin Raul Castro oo cadho iyo diidmo adag laga dareemay ayaa si degdeg ah isaga qabtay gacanta Obama ee garabkiisa ku soo socota, kadib si qallafsan ayaa uu kor ugu caabbiyey.

Madaxweyne Obama ayaa caado u leh in uu garabka qabsado inta badan ee hoggaamiyeyaasha dunida ee uu la kulmu, laakiin sida muuqata arrintaas waa uu ka sii taxaddar lahaa madaxweyne Raul Castro oo si dhaqso ah isaga qabtay gacanta Obama.

Dad badan ayaa qaba in garab qabsashadu ay muujinayso waxoogaa in qofkan aad daryeel gaar ah siinayso oo uu gacan iyo xannaanayn kaaga baahan yahay, laakiin waxa aan la isku khilaafsanayn in arrimaha noocan ahi dhinaca dhaqanka la xidhiidhaan oo lagu kala aragti duwanaan karo. Tusaale ahaan marka la eego Baratakoolka boqortooyooyinka Ingiriiska Sweden iyo dalal kalaba, waa ficil anshax darro ah in qof marti ah ama qof la sharfay uu gacantiisa saaro boqorka ama madaxweynaha. Waxaana jira dad aaminsan in sababtaas awgeed uu Raul qudhiisuna u diidayey in Obama uu garabka qabsado.

Waxa kale oo xusid mudan in Madaxweyne Obama markii uu gaadhay gegida diyaaradaha ee magaalada Havana oo ah caasimadda Cuba aanu madaarka ku soo dhoweyn Raul Castro balse uu u soo diray uun wasiirkiisa arrimaha dibadda, arrintaas oo dad badani u macnaysteen in Cuba ay dirayso farriin ah in aanay doonayn dib u cusboonaysiinta xidhiidhka Maraykanka iyo Cuba oo ay labada dhinacba u baahan yihiin in loo macnaysto in Cuba ay ka tanaasushay waxyaabo badan oo ay ku kala aragti duwan yihiin Maraykanka, sida Xisbiyada badan, xorriyadaha, haysashada Maraykanka ee jasiiradda Guantanamo bay iyo arrimo kale.

Dadka u kuurgalayey booqashada Obama ayaa iyaguna sheegaya in kulamadan taariikhiga ahaa ee labada hoggaamiye iyo ficilkan uu Castro ku diiday gacanta Obama laga dareemayey is’aamin la’aan xooggan oo weli jirta iyo in xiisaddii labada dal u dhexeysay ku dhowaadka qarnigu aanay weli halkii la doonayey hoos ugu dhaadhicin.

Madaxweyne Obama ayaa doonaya inta aanu kursiga ka tegin in uu meesha ka saaro dhammaan raadadka yar ee ka hadhay dagaalkii qaboobaa, isla markaana uu taariikhda gashado in uu midho dhal noqon karo fikirkiisa siyaasiga ah ee ah, ‘In hawlgelinta iyo ka qaybgelintu ay deyrinta iyo faquuqidda ka fiican tahay isbeddelna ka hor keeni og tahay’

Weli ma cadda illaa xadka ay Havana diyaar u tahay in ay xidhiidh saaxiibtinimo la yeelato Washington, laakiin waxaa hubaal ah in shirkadaha waaweyn ee Maraykanku ay u hamuun qabaan suuqyada Cuba, iyada oo uu durbadiiba Obama sheegay in shirkadda weyn ee Google ay internet awood badan oo ka aan xadhiga lahayn ee Wifi ah gaadhsiin doonto jasiiraddan 90 Mayl ee keliya dhinaca Koonfureed ka xigta gobolka Florida ee dalka Maraykanka. Iyada oo uu madaxweyne Obama wado dadaal uu doonayo in dalkiisu uu dalka Cuba ka saaro liiska madow si uu u suurtogalo xidhiidh ganacsi oo labada dhinac dhex maray.

Madaxweynihii Maraykan ee u dambeeyey ee Obama hortii dalka Cuba booqday waxa uu ahaa madaxweynihii soddonaad ee Maraykanka Calvin Coolidge oo Cuba booqasho ku tegey sannadkii 1928kii.