Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda degmada Hargeysa ee Somaliland ayaa shalay xukun xadhig, ganaax iyo masaafuris isugu jira ku ridday saddex qof oo laba ka mid ahi ay u dhasheen dalka Pakistan, kuwaas oo ku eedaysnaa inay mad-habta shiicada ku faafinayeen Somaliland.
Qofka saddexaad ee maxkamadda ay xukunka ku ridday ayaa ahayd qof dumar ah oo u dhalatay Somaliya, taas oo ku eedaysneyd inay marag been ah furtay, waxaana lagu xukumay xadhig sannad ah, ganaax lacageed iyo masaafuris.
Maxkamadda ayaa waxa ku sugnaa eedaysanaha koowaad Maxamed Rasaaq Xuseen (63 jir) oo lagu xukumay hal sanno oo xadhig ah, 3 milyan oo Somaliland shillin ah iyo masaafuris. Sidoo kale Haashim Okeera, oo maqnaa ayaa isna lagu xukumay sannad xadhig ah, saddex milyan oo ganaax ah iyo masaafuris.
Xukunkan oo shalay uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beergeel), ayaa sheegay in dadkan ay ku howlanaayeen khal-khal gelinta caqiidada Islaamka ee Sunniga ah ee Somaliland ay aaminsan tahay.
Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beergeel), waxa uu sidoo kale sheegay in eedeysanayaasha oo qaar la xukumay ayaga oo maqan ay qeybiyeen illaa 200 oo buug oo ku turjaman Af-Soomaali, kuwaas oo madhabta shiicada ka hadlaya.