Hargeysa(Geeska)-Saraakiisha maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay inay maxkamadda gobalka Hargeysa ka diiday xeer ilaalinta in waaran qabasho ah loo jaro saxafiyiin ka kala tirsan wargeyska Xogogaal iyo shabakadda Baligubadle media.
Maxkamadda gobalka Hargeysa, waxay sheegtay inay xeer ilaalinta u sheegtay inaan wax waaran qabasho ah loo jari karin saxafiyiintaas, inta lagu helayo dambiga loo haysto islamarkaana ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan iyagoo xor ah.
Sida ay maxkamadu sheegtay, xeer ilaalintu waxa ay saxafiyiinta Wargeyska Xogogaal ku eedaysay inay wargeyska Xogogaal soo saareen iyagoon ahayn dadkii sharciyadiisa iska lahaa, halka tifaftiraha shabakada Baligubadle Axmed Aadan Rooble isna lagu haysto war shabakadda lagu baahiyay. Waxase ay maxkamadu sheegtay in saxafiyiintu iyagoo xor ah ay iska difaaci doonaan eedaha loo haysto.
Guddoomiyaha maxkamadda sare Prof Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa markii uu talada qabtay waxa uu go’aamiyay inaan saxafiyiinta la iska xidhi karin ilaa lagu helo dambiga loo haysto, talaabadaas oo ay saxaafadda Somaliland soo dhawaysay, ugana mahadcelisay guddoomiyaha.