Maxkamadda Gobalka Hargeysa Oo Amar La Xidhiidha Masuuliyiinta Xidhan Fartay CID-da iyo xeer ilaalinta

1
653

maxkamaHargeysa(Geeska)-Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa ku amartay hay’adaha dambi baadhista iyo xeer ilaalinta inay toddoba maalmood gudahood ku soo dhammaystiraan dacwadaha loo haysto masuuliyiinta u xidhan eedaha musuqmaasuq iyo eedaysane Boqor Buurmadoow.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Hargeysa Md. Cabdirashid Maxamed Maxamud (Duraan), ayaa shalay qoraal amar ah oo dhammaystirka dacwadahan la xidhiidha u kala diray hay’adda baadhista dambiyada ee CID-da iyo xafiiska xeer ilaalinta gobalka Hargeysa, isagoo wargelin siiyay guddoomiyayaasha maxkamadaha sare iyo rafcaanka, waxaanu qoraalkaas oo uu nuxurkiisu ahaa amar soo dhammaystir laba dacwadood uu si adag ugaga digay inaan eedaysanayaasha lala sugin mudada u dambaysa ee uu xeerku jideeyay in ay rumaan ahaadaan. Guddoomiyuhu wuxuu qoraalkiisa ku sheegay inay maxkamadu hayso oo keliya warkii hore ee dacwadda balse ay weli ka sugayso hay’adahan inay dacwadda soo dhammaystiraan, si cadaaladda loo gaadho. Qoraalkaas oo uu Geeska Afrika helay nuqul ka mid ah ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu afhayeenka Madaxweynaha Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Isniintii sheegay inay hay’adaha garsoorka ku adkaynayaan inay dhakhso u dhammaystiraan baadhistooda sida ugu dhaqsaha badana u horgeeyaan sharciga iyo cadaaladda. Laakiin guddoomiyaha maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa wuxuu si cad u sheegay in waxa keliya ee maxkamadda gobalka Hargeysa soo gaadhay uu yahay warkii hore ee dacwadda lagu soo eedeeyay masuuliyiintaas, maxkamaduna ay hayso oo keliya warkas hore ee dacwadda.

Qoraalkaas uu guddoomiye Cabdirashid Duraan u diray hay’adaha CID-da iyo xeer ilaalina gobalka Hargeysa, isagoo dhammaystiran wuxuu u dhignaa sidan: “Maxkamadda gobalka Hargeysa waxa hortaala labada dacwadood ee ciqaabta ah ee sumadahoodu kala yihiin: MGH/DDL/217/012 ee ay ku eedaysanyihiin:

1.                   Axmed Cilmi Bare (Ina Shuun Xaaji Maxamuud, 39 jir ah.)

2.                   Cismaan Siciid Jaamac (Ina Racwi Sulub, oo 40 jir ah)

3.                   Axmed Cumar X. Cabdillaahi Xamari (Ina Faadumo Xaaji oo 35 jir ah

4.                   Cabdishakur Cabdi Nuur (Ina Saado Muse oo 32 jir ah)

Kuwaas oo warkii hore ee dacwada lagu soo eedeeyay qodobka 20aad (Xubintiisa 3aad), lala akhriyo qodobka 3aad Xeer No:38/07 (xeerka ka hortagga ku tagrifalka hantida qaranka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa). Iyo dacwada kale ee sumadeedu tahay MGH/DDL/707/2011 ee uu ku eedaysanyahay eedaysane Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (Buurmadoow)  kaasi oo ku eedaysan qodobada 452, 220, 231, 212, 45XCG.

Haddaba labadaas dacwadood oo aan dhammaystirnayn iyadoo maxkamadu ay hayso keliya warkii hore ee dacwada (first information) oo keliya, loona baahanyahay in la dhagaysto dacwadani, si cadaaladda looga gaadho, iyadoo ay waajib tahay in aan lala sugin mudada ugu dambaysa ee xeerku jideeyay inay rumaan ahaadaan garsugayaashu, maadaama ay dacwadahani yihiin qaar xaasaasi ah, una baahan in dhagaysigooda la dedejiyo, si cadaaladda loo gaadho.

Sidaas darteed maxkamadda gobalka maroodi Jeex Hargeysa waxay idinku amraysaa inaad muddo (7) maalmood gudahood ah ku soo dhammaystirtaan labadaas dacwadood, si ay suuragal u noqoto in la dhagaysto.”

Comments are closed.