Maxkamadda Ciidammada Oo Xukun Dil Ah Ku Ridday Askari Bishii July Ee Sannadkan Boorama Ku Toogtay  Arday Ku Jiray Jaamacadda Camuud

0
786

Hargeysa (Geeska) – Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ee Somaliland, ayaa Shalay Xukun dil ah ku xukuntay Askari Boolis ah oo Toogtay Arday ka mid ahaa Ardayda dhigatay Jaamacadda Camuud ee Magaalada Boorama.

Maxkamadda Ciidammada ayaa xukuntay in dil toogasho ah lagu fuliyo Askariga oo Magaciisu yahay Cismaan Diiriye Buraale, kaasi oo toogasho ku dilay Alle ha u naxariistee Ibraahim Salaad oo ka mid ahaa Ardayda kuliyadda Injineerinka ee Jaamacadda Camuud.

Askariga la xukumay, ayaa jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama 5 bishii July ee sannadkan ku dilay arday lagu magacaabi jiray Ibraahin Salaad oo ka mid ahaa ardayda Kulliyada Ingineerinka ee jaamacadda Camuud.

Dilka ayaa yimid kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Askariga oo ka mid ahaa ilaalada jaamacadda iyo Ibraahin salaad, waxayna xukuumadu xiligaas ehelada marxuumka u ballan-qaaday in askariga dilka gaystay sharciga la marin doono.

Sharci ahaan, Askariga dilka lagu xukumay ayaa xaq u leh inuu Xukunka ka qaato Rafcaan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office