Diblumaasiyiin Magac Ku Leh Maraykanka Oo Dawladdooda & Midowga Afrika Culays Ku Saaraya In La Aqoonsado Somaliland, Si Loo Joojiyo Isballaadhinta Shiinaha Ee Afrika

0
749

“Waa Wakhtigii La Soo Afjari Lahaa Munaafaqnimada Caalamiga Ah Ee Ku Waajahan Somaliland..”  Safiirkii Hore Ee Maraykanka U Fadhiyey Itoobiya Iyo Gini

Hargeysa (Geeska) – Diblumaasiyiinta Maraykanka ee la soo shaqeeyay Madaxweyneyaashii kala dambeeyay ee dalkaasi, ayaa Dawladda Joe Biden iyo Ururka Midowga Afrika culays ku saaraya inay aqoonsadaan Madax-banaanida Somaliland.

Rebort O’brein oo mar ahaa La Taliyihii Amniga Qaranka Maraykanka ee Dawladdii Doland Trump, ayaa soo jeediyey in Maraykanku uu aqoonsado Somaliland.

Rebort O’brein ayaa sheegay in aqoonsi uu Maraykanku siiyo Somaliland ay tahay sida keliya looga hor-tagi karo isballaadhinta Shiinaha ee Afrika.

Soo jeedinta Rebort O’brein ee ku aaddan Somaliland, waxa soo dhaweeyay Tibor nagy oo mar ahaa ku-xigeenka xoghayaha Arrimaha Afrika u qaabilsan Maraykanka, sidoo kalena noqday Safiirkii Maraykanka u fadhiyey Dalalka Itoobiya iyo Guinea.

Tibor nagy, ayaa qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa soo dhaweeyay soo jeedinta Rebort O’brein ee ah in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay mid ahmiyaddeeda leh, maaddaama oo la dhaafay xillgii Munaafaqadda Caalamiga ah.

Tibor nagy ayaa qoraalka uu ku baahiyey Twitter-ka wuxuu ku yidhi “Waxaan u mahadnaqayaa O’brein oo bixiyey Faallooyin wanaagsan oo ku saabsan Somaliland, waxaan jeclaan lahaa in Midowga Afrika ay samayso wax sax ah oo ay aqoonsato in Qarankan Somaliland oo ka waxqabadka iyo maamul wanaagsan, ka xasilloon, kana dimoqraadiyad badan Dalalka xubnaha ka ah (Midowga Afrika)..”

Tibor nagy waxa kale oo uu sheegay “Waa wakhtigii la soo afjari lahaa munaafaqnimada Caalamiga ah ee ku waajahan Somaliland..” ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office