Maxkamadda Ciidamada Oo Xukuno Dil Ah Ku Riday Askar Lagu Helay Dilkii Qori-lugad

0
556

Picture4Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda Ciidanka Qaranka Darajada Koowaad ee Goboladda Galbeedka Somaliland ayaa shalay xukun Dil ah iyo xabsiyo dhaadheer ku riday Askarigii gacan ku dhiiglaha ahaa ee Dilka toogashada ah ku fuliyey labadii Sarkaal ee Saldhiga Ciidanka qaranka Qorulugud, halka shan Askari oo ku gacansiiyey gacan ku dhiiglaha ay ku riday Xabsiyo dhaadheer. Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qaranka Somaliland ee Darajada Koowaad ee Goboladda Galbeedka Somaliland Gaashaanle Sare Yuusuf Faarax Sharmarke, ayaa xukunada uu soo saaray waxay kala yihiin:  1.    Gacan ku dhiigle Faarax Maxamed Ismaaciil waxay ku xukuntay Dil

2.    Laba Xadhigle Carraale Muuse Cabdi oo lahaa Heeganka Xerada Dilku ka dhacay Toddoba sano oo xadhig milatari ah.

3.    Dable Cabdi Cawal Maxamed oo ahaa kamaan-boostihii waardiyaha ahaa sideed sano oo xadhig Milatari ah

4.    Dable Faarax C/laahi Maxamed oo ahaa Askarigii qorigiisa Dilka lagu fuliyey shan iyo toban sano oo xabsi Milatari ah

5.    Dable Khadar Xasan Ismaaciil waa Askarigii silsilada ka furay gacan ku dhiiglaha oo maxbuus ahaa ka hor intaanu Dilka geysan waxaana lagu xukumay Toban Sano oo Xabsi Milatari ah Hase yeeshee waxa ay Maxkamadda Ciidanku xorriyadiisa u celisay Dable Khadar Axmed cawil kadib markii Danbi lagu caddeyn waayey, halka Gacan ku dhiiglaha oo maqan ay kaga xukuntay Dil.