Maxkamada Hargeysa Oo Damaanad Ku Sii Daysay Dhallinyaradii U Xidhnayd Heshiiska Dekedda

0
511

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa shalay damaanad ku sii daysay afar dhallinyaro ah oo muddo u xidhnaa aragtidooda oo ay ku cabireen heshiiska dekedda Berbera ee shirkadda DP world.

1'

Maxkamadda ayaa Geeska Afrika u sheegtay inay dhallinyaradan damaanad ku sii daysay ka dib markii ay ciidamada baadhistu sheegeen inaanay wax dambi ah ku haynin islamarkaana ay xeer ilaalintu keeni weyday cadaymo ku filan dacwadda ay ku soo oogeen.

Sidaas daraadeed, maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa shalay damaanad ku sii daysay afarta dhallinyarada ah oo uu xadhigoodu muddadii ay xidhnaayeen noqday mid si weyn loo faaqiday.

Ehelada iyo asxaabta dhallinyaradan ayaa maxkamadda uga mahadceliyay mawqifka ay qaadatay oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid cadaaladeed oo ay ka filayeen maadaama oo muddooyinkan dambe uu isbedel naruuro ahi ku yimid garsoorkii dalka.