Maxkamad Maraykan Ah Oo Xukuntay In Iiraan Ay Magdhowga Ka Bixiso Khasaarihii 11/9

0
523

Washington (Geeska)- Maxkamad Maraykan ah ayaa xukuntay in dalka Iiraan uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan Toban Bilyan iyo badh doolar oo ah ciqaabta ay ku mutaysanayso taageero ay u fidisay raggii fuliyey weerarradii Maraykanka lagu qaaday 11kii September 2001dii.

1

Qaraarka ka soo baxay maxkamadda Federaaliga ahi waxa uu dhigayaa in dalka Iiraan uu magdhow siiyo qoysaska ay ka dhasheen dadkii ku waxyeelloobay iyo sidoo kale shirkadaha khasaaruhu ka soo gaadhay weerarradaas.

Waa markii labaad ee maxkamad Maraykan ahi ay soo saarto qaraar ka dhan ah dalka Iiraan oo ku eedaynaya in ay ururka Al-Qaacida ka caawisay weerarradii 11/9. Sannadkii 2012kii ayaa Maxkamad kale oo Maraykan ahi ay xukuntay in Iiraan ay bixiso 6 Bilyan oo doolarka Maraykanka ah oo magdhow u ah dadkii ku dhintay iyo kuwii dhaawaca iyo dhibaatooyinka kale ay ka soo gaadheen weerarradaas diyaaradaha loo adeegsaday ee lagu qaaday dhowr meelood oo ay ugu muhiimsanaayeen weerarkii lagu burburiyey daarihii mataanaha ahaa ee ganacsiga adduunka ee magaalada New York iyo xarunta gaashaandhigga Maraykanka oo saddex diyaaradood oo kala duwan lagu dhuftay.

Sannadkii 2011kana maamulka Maraykanku waxa uu dalka Iiraan u jeediyey eedaymo ah in ay heshiis qarsoodi ah la gashay koox ka tirsan Al-Qaacida, oo ay u fududayn jirtay sidii ay u qoran lahaayeen dad cusub oo ku biira dagaalyahannada Al-Qaacida, isla markaana Al-Qaacida ay qaadhaan lacageed ugu ururin lahaayeen, iyo ta ka sii daran oo ah in Iiraan ay fududayso weerarrada Al-Qaacida ay ku qaaddo dalalka Pakistan iyo Afghanistan.