Maxbuus Ku Xidhnaa Xabsiga Mandheera Oo Geeriyooday

0
574

Hargeysa(Geeska)-Waxa dhawaan geeriyooday Marxuum ka tirsanaa maxaabiista ku xidhan xabsiga magaalada Mandheera.

Wasiirka cadaaladda Axmed Faarax Cadare, ayaa shalay saxaafadda u xaqiijiyay geerida maxbuuskaas, wuxuuse ku dooday in maxbuusku muddo xanuunsanayay. Maxbuuska ayaa ahaa 29 jir, wasiirka oo ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Maxbuuskaasi wuu xanuunsanayay, qofkii caafimaad qabay ayaa xataa, dhimanayay, maxbuuskaasi wuu xanuunsayayay, 29 jir ayuu ahaa, kormeer ayay wasaaradda cadaaaladda iyo wasaaradda caafimaadka iyo IRC kormeer ayay ku soo sameeyeen Mandhera iyo Hargeysaba, xaaladiisa way soo sheegeen inuu ninkaasi xanuunsanayo, waanay daweeyeen tallana way ka bixiyeen. xanuunkani xanuun ku raagay ayuu ahaa, dhakhtarka markii la keenayna dhakhaatiirtu way la tacaaleen, laakiin Alle haw naxariisto ee wuu geeriyooday.” ayuu yidhi Wasiirku.