Maxay Itoobiya Ka Tidhi Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Imaaraadka?

0
615

 

Hargeysa (Geeska)- Xukuumada Itoobiya ayaa ka hadashay booqashada wefdi balaadhan oo Madaxweynaha Somaliland hogaaminayey oo ka soo laabtay safar ay ku tageen dalka Imaaraadka carabta.

Qoraal ku saabsan safarkaa oo lagu baahiyey mareegta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya, ayaa lagu sheegay in wefdigaa oo Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilanyo hogaaminayey wada hadalo kala yeesheen madaxda dalkaa arrimo ay ka mid ahaayeen balaadhinta xidhiidhka iskaashi ee dhinacyo kala duwan sida, Caafimaadka, waxbarashada, tababarka xirfadda, shaqo abuuris iyo dhaqaalaha Somaliland.

Madaxweyne Siilanyo ayaa sheegay in taageerida dhismaha waddada Ceeri-gaabo iyo Burco ka wada hadleen madaxda UAE.

Booqashada wefdiga Somaliland oo qeyb ka ahaayeen wasiirada Arrimaha Dibedda, Madaxtooyadda, Maaliyadda, Beeraha iyo madax kale, qeybna ka ahayd, Marwada Madaxweynaha, Aamina M. Jirde, ayuu wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr, Maxamed C. Cumar, ku tilmaamay mid guul ah, isla markaana sare u qaaday heshiisyada xukuumada Somaliland ee la xidhiidha UAE, talaabo hor leh.