Kuuriyda Waqooyi Oo Ku Hanjabtay Inay Weerar Ku Qaadayso Maraykanka

0
674

 

Picture2Warbaahinta dawladda Kuuriyada Wuqooyi ayaa sheegtay in hogaamiyaha dalka Kim Jong Un uu amar ku bixiyey diyaargarowga weeraro gantaalo ah oo lagu qaado saldhigyada milateri ee gobalada iyo dhulka Maraykanka, ka dib markii laba diyaaradaha dagaalkaa ee Maraykanka ahi ay tababarro ku sameeyeen hawada Kuuriyada Koofureed.

Wakaaladda Wararka ee Kuuriyada Wuqooyi ayaa sheegtay in Mr. Kim uu  Jimcihii shalay heegan galiyey ciidamada Gantaalaha ee dalka, ka dib markii uu habeen hore saqdii saqdii dhexe wadahadalo degdeg ah la yeeshay saraakiisha ugu sareysa ciidamada. Amarkan ayaa yimid saacado ka dib markii Diyaaradaha awoodda u leh inay xanbaaraan nuclear-ka ee Maraykanka ee lagu magacaabo B- 2 oo la geeyay Kuuriyada Koofure ay dhaqdhaqaaq milateri sameeyeen.

Diyaaradaaha xanbaara nuclearka ee Maraykanka ayaa Khamiistii doraad sameeyey dulimaad qaatay labaatan kun oo KM oo aan kala joogsi lahayn, iyagoo ka duulay saldhig ay ciidamada cirku ku leeyihiin badhtamaha Maraykanka, gaadhayna jasiirad ku taalla galbeedka koofured ee gacanka Kuuriya, ka hor intii aaney ku  laaban saldhigoodii. 
 
Dhaqdhaqaaqan Maraykanka ayaa imanaya iyadoo ay isasoo tarayaan hanjabaadaha Kuuriyada Wuqooyi ee ka dhanka ah Maraykanka iyo Kuuriyada Koofured. Pyongyang ayaa joojisay gabi ahaanba xidhiidhadii wadahadalka ee Kuuriyada Koofure, Maraykanka iyo Laanqeyrta Cas.

Hase ahaatee isu socodka dadka labada kuuriya ee xuduuda ayaa khamiistii doraad ahaa mid iska caadi ah oo ma jirin wax isbadal ah oo la dareemayey.

Xogahayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Chuck Hagel oo wariyayaasha kula hadlayey magaalada Washington, ayaa la xidhiidhiyay duulimaadka diyaaradaha B-2 daandaansigii waayahaan ee Kuuriyada Wuqooyi, kuwaasoo ay ka mid yihiin hanjabaadaha Pyongyang ee ah inay weeraro Nucklear ah ku qaadi doonto, Kuuriyada Koofure, Maraykanka iyo xulafada maraykanka ay ku leeyihiin wadamada kulaala Badda Pacific-ga.