Maxamuud Dhooldahable Oo Xalay Hargeysa Ku Geeriyooday

0
631

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa xalay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Dhool-dahable oo ka mid ahaa odayaasha caanka ah ee magaalada Hargeysa.

1

Marxuumka oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada caanka ah ee reer Hargeysa, wuxuu u geeriyooday xanuun uu muddo u jiifay gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa.

Alle haw naxariiste waxa maanta Marxuumka lagu aasayaa xabaalaha magaalada Hargeysa, waxaana la filayaa inuu aaskiisa ka qayb galo Madaxweyne Siilaanyo oo ay saaxiib ahaayeen.

La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha warbaahinta Khadar Xasan Cali Gaas, ayaa ehelka iyo shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamuud Dhooldahable oo uu ku tilmaamay nin door muhiim ah ka soo qaatay dib u dhiskii dalka.