Maxamed Morsi Oo Shalay Xabsi Daa’im Lagu Xukumay

0
505

Waxa shalay xabsi daa’in lagu xukumay madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi.

1

Maxkamadda dalka Masar ayaa lix qof oo ay ku jiraan laba qof oo u shaqaynayey telefiishanka Al-Jazeera ku xukuntay dil kadib markii lagu helay inay sirta waddankaasi Masar u gudbiyeen dalka Qadar.

Isla eedayntaasi la mid ah ayaa maxkamddu ay ku heshay Madaxweynihii hore ee waddankaasi Maxamed Mursi, waxayna ku xukuntay xabsi daa’im. Weriyahayaga Xuseen Saxnuuni ayaa warbixintan kasoo diray Qaahira.

Qareenka u doodayay Mr Morsi waxaa uu sheegay in lagu heli waayay basaasnimo, laakiin lagu xukumay inuu hoggaamiyay urur sharci darro ah.

Dadka kale ee dacwaddan loo haystay, oo ay ku jireen laba weriye oo ka tirsan warbaahinta al Jazeera, waxaa lagu xukumay dil iyagoo maqan.

Mr Morsi waxaa horeba loogu xukumay xabsi daa'in, waxaana dil loogu xukumay kiisas mar hore ay maxkamado qaadeen. Racfaan ayuu ka qaadan karaa xukunkan ugu dambeeyay, oo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee caalamka ay habka garsoorka waddanka Masar u soo jeediyeen dhaleecayn aad u ba'an.