Maxamed Kaahin Oo Waddani Ku Eedeeyay Inaanu Aqbali Doonin Natiijada Doorashada

0
533

Hargeysa(Geeska)- Guddomiye-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay inaanu aqbali doonin natiijada doorashada madaxtooyada, haddii laga guulaysto.

1

Maxamed Kaahin oo shalay hadal ka jeediyay kulan uu KULMIYE u qabtay dhallinyaro ku biiray, wuxuu xisbiga Waddani ku eedeeyay inay baahinayaan hadalo dacaayad ku ah doorashada,  “Waxa jira xisbiyo iyo siyaasiyiin odhanaya doorashada natiijadeeda lama aqbali doono oo waynu isku dilaynaa, KULMIYE 84-cod baa lagaga helay oo uu aqbalay, waa xisbiga keliya Afrika jooga ee aqbalay in doorashadii madaxweynaha 84-cod lagaga helay, adduunyadana meel ay ka dhacdaa ma jirto, Guddoomiyaha xisbiga UCID wuu aqbalay natiijadii in doorashadii laga helay, xisbigii UDUB madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin si sharaf leh buu u aqbalay in doorashadii 2010-kii laga helay.”

Maxamed Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xisbiga WADDANI waxa uu ku soo kordhinayaa siyaasadda Somaliland oo uu iminka sii caddeeyey inaannu aqbali doonin natiijada doorashada haddii laga helo, xalay (Sabtidu soo galaysay) bay ka hadlayeen oo lahaayeen sharci halla sameeyo, laakiin sharci weynu leenahay oo  xeer-qaran baynu leenahay oo distoorkeenaa qoraya oo Baarlamaanka dalkaa sameeyey qaabka xisbiyadu u gelayaan doorashada, qaabka doorashada loo kala helayana hay’ad qaran oo la yidhaahdo Komishanka doorashooyinka ayaa inoo samaysan oo Maxkamad Distoori ah oo natiijada doorashada marka ugu dambaysa soo saarta,ayaa inoo samaysan, xisbiga KULMIYE –na sida uu markii horeba u caddeeyey waxa uu imikana caddaynayaa inuu natiijada komishanka iyo maxkamadda sareba aqbalaayo,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.”