Maxaa Sababay Inaanu Farmaajo  Ka Jawaabin Eedaha Iyo Weerarka Uu Madaxweyne Biixi U Jeediyo?

3
2434

Hargeysa(Geeska)-Inta badan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, wuxuu weerarka afka ah ku qaadaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, oo uu ku eedeeyo weerar iyo cadaawad ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland.

Laakiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, ayaan ka jawaabin eedaha Madaxweyne Biixi,  isagoon si toos ah goobaha uu ka hadlayo aan  ku soo hadal qaadin eedaha uu Madaxweyne Biixi u jeediyo iyo weliba wax khuseeya arrimaha Somaliland.

Sannadkan sii dhammaanaya, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu eeddo tiro badan u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu cuslaayeen inuu ka dambeeyo weerarka ay maleeshiyaadka Puntland dhawrka goor kus oo qaadeen ciidamada Somaliland ee Tuko-raq degen.

Eedaha uu Madaxweyne Biixi u jeediyay Mr. Farmaajo waxa ugu dambeeyay khudbadii uu ka jeediyay toddobaadkan magaalada Caynaba.  oo uu ku eedeeyay inuu qori dab leh kula wareegayo Soomaaliya, waxaanu sidoo kale ku eedeeyay cuqad iyo cadho uu Farmaajo u hayo Somaliland. Madaxweyne Biixi wuxuu yidhi “Puntland waxba nama dhex yaalaan dadka Puntland-na waxaanu u naqaanaa dad gob ah oo talo qabeen oo madax ah oo aan dadka ku ciir ciirin, qoladan dhalinarada ah ee imika xukunka haysa wasiirada ahi, bal sidii awoowyaashood iyo boqoradu ay u dhaqmi jireen haw dhaqmeen oo miyirka ha soo celiyeen, gacan nabad ah ayaanu u fidinaynaa Puntland.“

Madaxweyne Biixi oo hadalka sii wataa wuxuu yidhi “Cida aynu is hayno ee dhibaato ka taagan tahay waa maamulka Muqdisho jooga imika waa dawlada uu hogamaiyo Farmaajo, waa nasiib daro markii la doortay nin dhalinyaro ah inuu Somaliya mideeyo oo Xamar u dabaal degtay oo gobalada Somaliya oo dhami ay u dabaal degtay ee la yidhi maskax fayow oo horumar ah ayuu la imanayaa waxa ayaan daro ah in dabka ka kacaaya Somaliya aanu horeba uga kicin. Kismaayo ayuu ku duulayaa Farmaajo,Baydhabo ayuu ku duulayaa  oo qaylada ka taagan aad maqlaysaan, waxa aad maqlaysaa ta ka taagan Dhuusa-mareeb iyo cadaadlay, waxa aad arkaysaa Gaalkacayo oo qaybsan waxaad arkaysaa Puntland oo sida ay uga cabaynayso aad maqlayseen, intaas marka uu la dagaalamay waxa uu yidhi Berbera waa inaan la dagaalamaa oo caalamku ila qabtaa, waar ninkan Soomaali magaalo magaalo ula dagaalamaya ayaanu leenahay allow sharkiisa idinka ururi oo aynu u baahanay inaan u caqli celino, hadii loo caqli celin waayana layska qabto.”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, eedaha uu Madaxweyne Biixi u jeediyo oo marka miisaankooda la eego ah kuwo culus kama bixiyo wax jawaab ah. Tusaale ahaan toddobaadkan iyo toddobaadkii ka horeeyay wuxuu jeediyay khudbado kala duwan. Wuxuu toddobaadkii hore iska soo duubay muuqaal uu kaga hadlayo kulamadii uu la yeeshay Raysalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Ereteriya, toddobaadkana wuxuu khudbad u jeediyay jaaliyadda Soomaaliya ee degen magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halka uu shalayna khudbad ka jeediyay shir ka dhacay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

Saddexdaas jeer ee uu Mr. Farmaajo hadlay, marna ma soo hadal qaadin eedaha uu Madaxweyne Muuse Biixi u jeediyay iyo weliba arrimaha ka dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Dadka siyaasadda falanqeeya ee aqoonta u leh Mr. Farmaajo ayaa aaminsan inuu go’aansaday inaanu soo hadal qaadin eedaha Madaxweyne Biixi balse uu si hoose u wato dagaalkii ka dhanka ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland.

Waxa kale oo ay dadkan siyaasadda falanqeeyaa aaminsanyihiin in ay Madaxweyne Bixii ka keenayaan eedahan badan ee uu u jeedinayo Farmaajo ka dib markii uu dareemay ama helay xoggo ku saabsan dagaalkaas Farmaajo ee ka dhanka ah qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here