Maxaa Dunida Qayb na Ka Dhigay Faqiir Kuwana Qani? Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen

0
755

Qaybtii koobaad waxa aynu ku soo aragnay kacdoonkii waqooyiga Afrika iyo barriga dhexe ka bilaabmay 2011, wax yaabihii dhaliyey ee bulshadu ka cabanaysay, waxa kale oo inoo socday kacaankii warshadaha ee Ingiriiska ka bilaabmay sida uu u midho dhalay, iyo waliba wax yaabaha kala duwan Nogales, Arizona iyo Nogales, Sonora.

dddddddddddddddddddd

Magaalada Nogales waa mid laba u kala qaybsan, haddii dhanka waqooyi laga soo istaaggo, waxa aad arkaysaa in aad ku sugan tahay Nogales, Arizona ee gobolka Santa Cruz oo Maraykan ah, celcelis ahaan reerku waxa uu sannadkii ku noolyahay $30,000, dhallinyartu, badankoodu dugsiyada ayey dhigtaan, dadka waaweynina waxa ay dhammaysteen waxbarasho sare. Iyada oo sidaa tahay, ayey dadku ka dooddaan hadda na sida ay hoos  u dhac ugu tahay Maraykanka, daryeel caafimaad way haystaan, dadku waa kuwo caafimaad qaba, waxa ay ku sugan yihiin heerka ugu sarreeya dhanka nolasha, in badan oo deegaanka ahi waxa ay ka weyn yihiin 60 jir, waxa ayna haystaan oo heli karaanna caymiska caafimaadka (Medicare), adeegyada ay dowladdu bixisana sida laydhka, telefoonada, biyo marreenada, caafimaadka dadweynaha, waddooyinka isku xidhaya magaalooyinka iyo kala dambaynta sharci waa mid ka wada shaqeeya magaalada, adeeg kasta oo dowlad looga baahan yahay waa ka shaqeeyaa. Dadka Nogales, Arizona ku nooli o ayey qabsadaan iyaga oo cabsi dareemayn, una cabsanayn nolashooda iyo  nafahooda, tuug ay ka cabsadaan ma leh oo kala wareega ama wiiqaba maalgashiga ganacsiga iyo guryahoodaba, u simnaanshuhu waa u mihim, dadka magaaladu waxa ay dammaanad u haystaan wax kasta oo habboonayn, ama musuq mar dhaca ah oo ka yimaad wakiillada xukuumadda in ay awood u leeyihiin in ay cod kaga qaadi karaan, sida Maayarka, Wakiilka (Senotor) u matelaya aqalka xeerdajinta.  Waxa kale oo awood u leeyihiin doorashada qofka dalka hoggaaminaya in ay doortaan, dimuqraadiyaddu na waa dabcikooda labaad.

Haddii Nogales, dhankeeda waqooyi sidaa loogu barwaaqaysan yahay, waxa dhinaceeda koonfureed na la yidhaa Nogales Sonora, waana dalka Magsiko (Mexico), celcelis ahaan qoyskii waxa uu ku nool yahay saddex meelooday meel ahaan  nolasha Nogales, Arizona.  Dadka ku nool, badankoodu ma laha waxbarasho sare, in badan oo ka mid ah caruurtoodu na dugsiyada ma tagaan, hooyooyinka ku nool qaybtan Magsiko ka talliso waxa ay aad uga warwaraan dhimmashada dhallaanka, xaaladda daryeel ee caafimaad aad ayey u hoosaysaa, taas oo keensanaysa in nolashoodu aad uga yar tahay ta magaalada dhankeeda kale, Xaaladda waddooyinku waa mid aad u xun, halka ay kala dambaynta sharci na tahay mid liidata, dambiyada ka dhacaa waa mid aad u sarreeya, taas oo keensanaysa in ay adagtahay in ganacsiyo la furo, waxa ayna la noolyihiin siyaasiyiin musuq badan.

Dadka degan magaalladu asal ahaan way kala duwan yihiin, waxa la sheegaa dadka ku nool Nogales, Arizona waa tafiirtii reer Yurub ka soo hayaamay, halka koonfurtu ay yihiin dadkii meesha asalka u lahaa ee Hindi-Maraykanka ahaa, kuwaas oo Isbaanishkii meesha qabsaday uu ka awood batay, iyada oo hadda na sidaa tahay, ayaa labada dhinac ay si isku mid u yihiin. Sannadkii 1821 waa markii Magsiko (Mexico) xorriyaddeeda ka qaadatay guumaystihii Isbaanishka (Spain), Magsiko iyadaa xukumaysay Los dos Nogales, waxa ayna ka mid ahayd gobalka Vieja California, gobalka gacanta ayuu ugu jiray dalka Magsiko illaa dagaalkii 1846-1848 ka dhex dhacay Maraykan iyo Magsiko, ugu dambayntii na diblumaasigii Gadsden ayaa 1853kii ka soo iibsaday Magsiko, sidaa ayuu na Maraykanku ku qaatay ugu na durkay Arizona. Laakiin se waa dad isku dal ahaa oo isku dowlad ahaa, waa dad is dhex galay, isku deegaan iyo isku baahi ahaa.

Daron iyo James, waxa aragti guud innaga siinayaan aragtiyadii ay guumaystayaashu la kala tageen Laatiin Ameerika ama koonfurta Ameerika iyo Maraykan ba, taas oo ay sheegayaan in horraantii 1516 kii badmareenkii Isbaanishka ahaa ee magaciisa la odhan jiray Juan Diaz De Solis uu helay magaallada Buenos Aires oo ah caasimadda Arjantiina (Argentina). Bal se Isbaanishku howlgalkii ugu horreeyey waxa uu sameeyey 1534 isaga oo xoog u adeegsaday dad yowgii la odhan jiray Jarru’as (Charruas)  ee daganaa Urugwaay (Uruguay) iyo kuwii kale ee Giraandi (Querandi) oo iyagu na deganaa Arjantiin, dadkaa markii ay u taagwaayeen, sida ay u haysteenna noqon wayday oo cimilada iyo dadku ba soo dhawayn waayeen ayey raadiyeen jidad kale oo u nolal dhaanta, 1537kii ayaa horgaliddii Juan de Ayolas ku gaadheen wabiga Parana, iyaga oo u jihaysan boqortooyadii qudha ee halkaa ka jirtay guumaysiga ka hor ee la odhan jiray Incas ee illaa Kolombiya (Columbia) ka jirtay. Halkaas waxa ay ka heleen dalag, dahab iyo dad ay ku shaqaystaan ba, Dadkii ay halkaa ugu tageen ee la odhan jiray Guarani oo degan halka imika la yidhaa Baragwaay (Paraguay), waxa ay ugu tageen dad aad uga duwan kuwii ay Arjantiina iyo Urugwaay ugu tageen, dadkaas oo ay aad u adeegsadeen.

1519kii waa xilliyadii uu Magsiko uu Isbaanishku gaadhay, kaas oo guumaysanayey illaa 1821kii, muddadaa dheer, waxa dhacay isbeddalo cadaadis lahaa, kuwaa oo Isbaanishka lagaga hor imanayey, isaga na waxa uu aad u helay khayraad badan oo macdanno ah iyo wali ba dad uu ku shaqayso oo si qasab ah u addoonsado. Ingiriisku isagu waxa uu ku jiray dagaallo sokeeye, taas oo dib u ritay, kumana jirin dalalkii gumaysiga hore u bilaabay halka uu Isbaanishku 1490s uu u tafo xaytay in uu hantiyo dhulalka beeraha iyo macdanaha badnaa.  1588kii ayuu boqorkii Sbaanishku ee la odhan jiray Philip ll ayaa tallaabo Yurub ka yaabisay ku dhaqaaqay, taas oo ah in uu weerarro Ingiriiska, fursad wanaagsan ayey se u noqotay Ingiriiska oo guusha helay, kaas oo ku baraarugay isna guumaystayaasha in uu dhinac ka raaco oo qaybtiisa uu helo. Taariikhdu xilli sax ah ma sheegto oo Ingiriisku uu soo galay ama qayb uu ka noqday guumaystayaasha u kala dheeraynayey khayraadka ku duugan dhulalka ay  dad aan awood badan lahayni degganaayeen, laakiin se waxa la sheegaa in uu ahaa mid goor dambe soo galay, waxa na uu doortay in uu dego waqooyiga Ameerika, halkaas oo soo jeedisho deegaan lahayd, laakiin se umma suuragalin, oo dhulkaa macdanaha lahaa sida oo kale dalagyada lahaa hore ayaa loo degay oo la isku ballaadhiyey, waxa na u badnaa Isbaanishka, kaliya waxa la sheegaa Bortaqiiska in uu gaadhay isagu qaybo ka mid ah Baraasiil, markii dambe na Faransiisku soo galay iyaga oo saddexdaa dal ahaayeen kuwo is riixriixa. Ka dib Ingiriisku waxa uu u jeestay wixii hadhaa ah ee quwadahaa hore u tagay meesha ayna  gaadhin in uu isku dayo in uu hantiyo, waxa na la sheegaa qarnigii 18 naad in qoraagii Ingiriiska ahaa ee dhanka beeraha aqoonta u lahaa magaciisu na ahaa Arthur Young uu ka dooddo in dhul dalag iyo faa’idooyin kale ba leh uu soo bandhigo, Waqooyiga Carolina ayuu ka dib Ingiriisku isku dayey in uu guumaysto sannadihii 1585-1587 se waxa uu noqday mid aan ku guuldaysan, isku dayo kale oo uu sameeyey 1607 dii ayaa ay u suurogashay in qaybo ka mid ah Maraykanka uu qabsado, isaga oo wixii intaa ka dambeeyey isku sii ballaadhiyey. Waxa uu Ingiriisku halkaa ka sameeyey Shirkado wax badan ka gaystay horumarka dadka iyo gobalka ba, taas oo la odhan karo waa kaga duwanaa Isbaanishkii, waxa na sabab u ahaa in kacaankii warshaduhu uu hore uga bilaabmay Ingiriiska, maaddaama uu Ingiriisku ku horumaray kacankii warshadaha, waxa uu markii ba ka hirgalay Ameerica mishiino cudbiga maryaha laga sameeyo oo ku shaqeeya biyo, taas oo wax weyn ku soo kordhisay dhaqaalaha, waxa kale oo markii ba abuurmay warshado sida kuwii uu hindisay Thomas Edison, kaas oo ruqsad gaar loo siiyey hindisihii uu la yimid ee laydhka iyo qalabka codka duuba.

La soco qaybta saddexaad

W/Q Xuseen-Mahdi Xasan Xuseen

asalraac@yahoo.com