Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo Burco Lagu Xidhay Iyo Jirde Oo Si Adag Uga Hadlay

0
924

Hargeysa(Geeska)-Ciidamada ammaanka ayaa shalay xabsiga Burco u taxaabay xoghaye-xigeenka warfaafinta xisbiga Waddani Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase) iyo laba xubnood oo xisbiga ka tirsan oo kala ah Cabdillaahi Sheekh Aadan Abokor iyo Maxamed Aadan Maxamed.

Xubno ka tirsan xisbiga Waddani ee gobalka Togdheer ayaa saxaafadda u sheegay in xadhigooda ay ka dambeeyaan masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ay sheegeen inay xubnahani kaga dheereeyeen ololaha kasbashada dadweynaha.

Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa Geeska Afrika u sheegay inay guddiga doorashada gaadhsiinayaan dacwad ka dhan ah xadhiga masuuliyiintan, “Way dhammaatay wakhtigii saraakiisha xisbiyada mucaaradka la iska xidhayay, waxaanan dacwad gaadhsiinaynaa guddiga doorashada.” ayuu yidhi Xildhibaan Jirde, waxaanu xukuumada u soo jeediyay inay joojiso baacsiga mucaaradka wakhtigan lagu jiro ololaha doorashada, “Waa in la ixtiraamaa xeerarka dalka, xeerka doorashada iyo heshiisyada is afgarad ee la saxeexay.” ayuu yidhi.

Geesta kale murashax Cirro ayaa shalay sheegay in la xidhay qaar ka mid ah basaskii siday taageerayaal shalay ku soo biiray xisbiga, waxaanu ka digay in xaaladda la sii murgiyo.