Masar Waxa Ka Dhacay Iyo Casharka Ku Jira

5
1052

Rashiid Sheekh Cabdillaahi(Gadhweyne)

Sheekaddu waxay tidhi sheekhii wuxuu ku yimid xafiiskii Maaliyadda baabuur Mercedes ah. Waxay

ku tusaysaa dawladda Masar, ka sokow qalladda ay tahay, gun adaygeeda ama sida uu isbeddelkeedu u adag yahay.

 8 Waxaa  la yidhaa dadka Masar waxay leeyihiin dhaqan deeqsinimo. Wax badan ka run ah. Haddii ay, tusaale ahaan jidka tabaale kugu qabsato, sida baabuurka oo cilladi kaa gasho ma waayeysid  dad badan oo kuugu soo leexda si ay gacan kuu siiyaan. Agtaada qof Masri ahi, ma dhacdo in uu wax ku cuno asaga oo aan kugu marti-qaadin oo aan ku odhan  faddal. Kooda u saboolsan ee ceesh qaraxa biyo ku kabbanaya, haddii aad soo ag-marto wuu kugu soo dhawaynayaa oo waxuu ku odhanayaa  faddal.  Marar badan Masaarida waa lagaga maadsadaa taas; waxaa la yidhaa faddalta uu ku leeyahay waa afka keli ah ee haddii aad ka rumaysato oo aad la cunto, wuxuu mar dhow  kugu xamanayaa in aad tahay qof aan dooq iyo damaq toona lahayn. Macnuhu waxa weeye marka uu ku yidhaahdo  faddal wuxuu kaa filayaa in aad dhahdo  shukran(Mahadsanid), aanadse rumaysan oo aanad gacanta la gelin cuntadiisa.   Xanta meesha lagu dahayaa waa munaafaqadii Masriga lagu sheegayey;  Ma wada aha sidaas, ee runtii dhaqanka deeqsinimada masaarida wax baa ka jira.

Wax kasta oo la Yidhi Maxaa Maanta ka Jira?

Maanta waxaa jira xaalad aan looga baran lagana filaynin dadka Masar. Waxa lagu yaqaanay dad wax kasta oo ku yimaadda iska oggolaada oo aan xaakinkooda ka hor iman; caddaald-darro weligood ba ku noolaa oo u gaadiiday. Xaakin dadku iska  ridaan iyo mid ayaga rabitaankooda ku yimaadda waxay taariikhdu xustay bilowgii qarnigii sagaal iyo tobnaad tii uu Maxamed Cali Baashaa ku qabsaday xukunka Masar. Waxa uu ahaa taliye ka tirasan ciidammadii Ebiradooruyadii Cusmaaniyiinta Turkiga. Dhammaadkii qarnigii siddeed iyo tobnaad, sannado yar markii ciidnakii Nabilyon ee Faransiisku ay Masar haysteen ayey ka baxeen. Waxaa halkaas ka abbuurmay xaalad ay awooddii Mamaaliiktu tamar-gabtay oo dalku khal-khal galay, uuna dawlad la’aan ku sigan yahay. Maxamed Cali Baashaa wuxuu ahaa nin geesi ah oo hankiisu weyn yahay. Wuxuu ka dhashay dadka Reer Albaniya. Waxa uu taliye sare u ahaa cutubka Reer Albaniya oo ka tirsanaa ciidammada Embradooriyadda Cusmaaniyiintu u dirtay Masar, ka dib ka-bixiddii ciidanka Nabilyoon.  Ciidammadan Turkigu waxay markan Masar yimaaddeen ayadoo dalku qasan yahay oo xukunkii Mamluukiguna daciifay awooddii Faransiisna ka tagtay.  Maxamed Cali xaaladdan buu si xarfad leh

uga faa’iidaystay oo hirdankii ciidammda Turkiga iyo Mamaaliikta ayuu ciidankiisa ka ilaashay; isla markaana isku dhaca  labada geesood buu ka dhex faa’iidaystay; dadweynaha Masarna sumcad buu

ka korodhsaday.  Waxay aakhirkii u dhashay in 1801dii, culamadii Al-azhar oo dadweynihii horkacayaa ay u yimaaddaan Maxamed Cali  Baashaa oo ka dalbaan in uu asagu qabsado jagada Waaliga Masar, la na rido Waaligii dawladda boqortooyada Turkiga  ugu magacownaa dalka, Axmed Khoorashiid.  Maxamed Cail Baashaa waxa uu ahaa, qarniyo badan, ninkii u horreeyey ee ay dadka Masar lug ku yeeshaan imaatinkiisa xukunka; waana xaakinkii, markii u horreysey Masar u horseeday xagga horumarka cilmiga iyo farsamada casriga ah ee waagaa ka hana-qaaday Yurub. Waxaa se uu ku beegmay xilligii  gumaysigii dawladahaas Yurub uu duullimaadka  ku ahaa dalaka Afrika iyo Aasiya waa na laga la dagaallamay in uu himiladiisa gaadho. Waxaa jirtay maalmo kale oo ay dadka Masar tu la yaab leh dhigeen.  Sannadahii aan  Masar ka ahaa ardayga, waxaa aad u kacsanaa xiisaha dhaadashada carabnimada oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii, Alle ha u naxariisree, Jamaal Cabdinaasir.  Baaqa codka dheer ee dhaadashaasi waxa uu in badan ka aloosnaa warfaafinta dalka.  Dugsiyada na waxaa lagu baran jirey taariikhda halgankii dadyowga carbeed; waxaan  mudnaan door ah la siin jiray kacdoonkii Masar ka bilaamay 1919kii. Waxa uu ahaa kacdoon dadweyne oo ay ka qayb-galeen dhammaan qaybaha dadka Masar, miyyi iyo magaalo, muslin iyo masiixi ba, ganacsato iyo shaqaale, arday, macallimiin, iyo ilaa haween intaba.

9 Waxa uu  na ahaa dhaqdhqaaq lahaa bannaabaxyo iyo kulanno ballaadhan oo dadweyne. Waxaa

lagaga hor-jeeday xooggii gumaysiga Ingriis ee si dadban u haysatay Masar iyo Suudaan. Waxay ka

bilaabatay ka dib markii uu dhammaaday dagaalkii koowaad ee adduunku,  ay waddaniyiintii masaarida oo uu hoggaaminayo Sacad Zagluul ay isu qalaqaaliyeen in ay wafti ugu baxaan Baaris, xarunta dalka farnsiiska, si uu uga qayb-galo shirka nabadda ee halkaasi lagu qaban doono…….. Si taasi ugu suurowdo ayey Ergeygii sare(high  Commissioner) ee Ingriiska u qaabilsanaa xukunka ximaayada Masar(  Protectrate power) ka codsadeen in la soo af-jaro gacan-ku-haynta xukunkaas asaga ah ee Masar iyo Suudaan, loona  oggolaado in ay madaxbannaani kaga qayb-galaan shirka Baariis. Waa laga diiday. Kacdoonkaasi wuxuu ku guulaystay in ay Masar sannadkii 1922kii Madaxbanaani siyaasadeed ka qaadato Ingriiska,  in kasta oo ay Suudaan ku hadhay gacantii gumaysiga, Ciidammadii Ingriiskuna aanay ka kacin Suweys Kanal.     

Waxaa xusid gaar ah inaga mudani waa hoggaanka uu kacdookani soo if-bixyey.  Sacad Zagluul iyo xisbigii la baxay magaca Alwafdi waxay taariikhda dalka Masar ka galeen meel weyn; ilaa tan iy maantana  waa wax si nool ugu jira  xusuusta wadareed ee dadka Masaarida.  Isla markaas, sidii dhaqanka Masaarida lagu yaqaannay Sacad Zaqluul, sida loo weyneynayaa waa fircoon kale oo aan magacii fircoon wadan; dhaqanka Masarna raad bay ku raabtay.  In kasta oo kacaankii Jamaal Cabdnaasir ee 1952kii uu xisbiyadii siyaasadeed titiray, xisbigii Sacad Zagluul xusuusta dadka ka ma bixin; maantadanna wuu jiraa. Maalmo kale oo aan goob-joog u ahaa, baa iyana jiray. Waa laba maalmood oo la yaab aad ah lahaa.  Jamaal Cabdi-Naasir waxa uu ahaa ninkii hoggaaminayey ooggii qoomiyadda carabeed, baaqii codka dheeraa ee xornimada iyo midnimada cabeed iyo hantiwadaagga carbeed ee sida laxaadka lehna uga soo hor-jeeday fikirka iyo siyaasadaha gumaysigii Reer galbeedka. Dagaalkii 1967kii, ayaa si xun Israa’iil  ugu jebisay ciidammadii Masar, Suuriya iyo Urdun. Waxay Israa’iil afar maalmood gudahood ku qabsatay dhammaan saxaraha Siinaa oo dhulkii Masar ah; buuralayda Golaan oo suuriya lahayd; Qaza iyo Daanta Galbeed ee Webiga Urdun iyo Bariga magaalda Quddus. Afar maalmood ayey wasaaradda gaashaadhigga Masar si is-daba jood u soo saaraysay war-cadaymo rasmi ah oo ka warramaya  “guulaha ciidammada Masar ee geesiyaasha ahi ka soo hooyeen ciidammada cadowga, hubka ay ka burburiyeen iyo ka ay ka furteen”. Idaacadaha iyo telefisoonnada dawlada waxaa si aan kala  go’ lahayn uga socday heeso dagaal ah oo dhego-barjo ah. Maalintii bisha juun ahayd sagaalka ayaan barqadii hore ka soo baxay gurigii aan degganaa oo ku yaallay xaafadda A-daahir( Daahir Beberis); ilaa badhtamaha magaalada ayaan lug ku soo  maray. Waxaa dareenkayga soo jiitay hal-ku-dhegyadii dhiirrigelinta dagaalka ahaa iyo sawirradii geesiga carbeed(Jamaal Cabdi Naasir) ee jidadka iyo suuqyada buuxiyey oo laga guray. Isla markaas, firxadkii ciidammada dagaalka ku soo jabay ayaa qaarkood magaalada soo gaadheen oo si xam-xam ah maalintaaba lagu maqalayey. Wargeyskii u horreeyey ee aan la kulmay ayaan iibsaday. Waxaa ku qornaa in Madaxweyne Jamaal Cabdi Naasir, toddobada saac ee galabta, uu khudbad u jeedin doono ummadda. Waxaa igu soo dhacday in aanay khudbaddiisa galbatu tu libineed ahayn. La Socco…

Comments are closed.