Masar: Taageerayaasha Ikhwaanka Oo Bisha Ramadaan Kordhiyey Dibad-baxyadooda

0
586

Qaahir (W.wararka) – Dalka Masar, ayaa waxa ilaa hadda ka taagan khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay talaabadii Milatariga dalkaasi xukunka kaga tuureen Madaxwayne Maxamed Mursi, waxaana ilaa Jimcihii doraad ilaa shalay Magaalada Qaahira ka dhacayay Mudaharaadyo iska soo horjeeda, kuwaasi oo ay dhigayaan Taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo kuwa ka soo horjeeda.

Jimcihii ayaa ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo taageerayaasha Madaxwaynihii xukunka laga tuuray ee Masar ay dhigeen dibad-bixii ugu weynaa tan iyo intii Milatarigu xukunka la wareegay, halka dadka ka soo horjeedaana ay sameeyeen dibad-bax kooda la mid ah.

Taageerayaasha Ikhwaan Muslimiinka ayaa sheegaya inay sii wadi doonaan banaanbaxa lagaga soo horjeeda afgembigii militari ee dalkaasi ka dhacay, inkasta oo lagu jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan isla-markaana qoraxdo aad u kulushahay dalka Masar ayaa haddana taageerayaasha Ikhwaanku nidar ku mareen in aanay hakin doonin dibad-baxooda, ilaa inta xilka dib loogu soo celinayo Maxamed Mursi oo ilaa hadda ku jira gacanta Milatariga.

Dhinaca kale dawladda Jarmalka ayaa ku baaqday in si deg-deg ah loo soo daayo Madaxweyne Maxamed Mursi oo ay hadda xabsi guri ku hayaan ciidamada Militariga.

Sidoo kale Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka ayaa sheegtay inay ku raacsan yihiin Jarmalka baaqooda ah soo siideynta Maxamed Morsi, walow Maraykanka aanu weli si toos ah u cambaareyn afgembiga Militari ee ka dhacay dalka Masar.