Jilaa Caan Ah Oo Ka Jawaabay Dhambaalkii Uu Barak Obama Ku Bogaadiyay Muslimiinta

0
553

Washington (Geeska)- Saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey waxaa si aad u ballaadhan dunida oo dhan ugu faafay qoraal uu bar-kulanka bulshada ee Twitter-ka ku baahiyey jilaaga maadayska ku caan baxay ee Frankie Boyle oo u dhashay dalka Scotland.  Madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama ayaa barta uu ku leeyahay shabakadda Twitter ka waxa uu maalintii Salaasada ee ka horreysay curashada bisha Ramadaan ku qoray ereyo uu muslimiinta dalkiisa iyo guud ahaanba dunida ugu hambalyeynayo bilowga bisha barkaaysan ee Ramadaan, “Muslimiinta Maraykanka iyo guud ahaanba dunida oo dhan waxa aan u rajaynayaa bil barako leh oo ay ku qaataan badhaadhaha qoyska, nabadgelyo iyo si faham buuxa”

Waxaa laga yaabaa in madaxweyne Obama markii uu ereyadan qorayey uu filayey in cidda farxad ugu soo jawaabi doonta iyo haddii ay dhacdo in cidi ay cambaarayso ay labaduba noqon doonaan Muslimiinta uu la hadlayey. Laakiin taasi ma’ay dhicin oo waxaa u jawaabay nin aan muslim ahayn oo ka dhashay dunida reer galbeedka oo sida muuqata ka xun macaamil xumada uu Maraykanku kala kaco Maxaabisita ku xidhan xabsiga Guantanamo Bay iyo guud ahaanba muslimiinta dunida. Waa jilaaga caanka ah ee Frankie Boyle oo qoraalka madaxweyne Obama ku hoos qoray ereyadan, “Ma waxa aad u jeeddaa kuwa aad qasabka ku quudiso ee xabsiga Guantanamo, mise Muslimiinta aad bambooyinka la beegsato”

Ereyadani waxa ay si yaab leh u soo jiitaan dareenka dad badan oo muslimiinta dunida ah, sawirka bogga Twitter ka ee ay ereyada Obama iyo Boyle ku qornaayeen iyo weliba ereyada ay is weydaarsadeen ayaana tan iyo salaasadii si weyn ugu dhex wareegayey bar-kulannada bulshada ee kala duwan iyo goobaha ay ku kulmaan muslimiintu.