Marxuum Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde oo London ku geeriyooday

0
1050

index2London(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa maanta Dalka Ingiriiska ku geeriyooday Marxuum Yaasiin X Ismaaciil Jirde oo ahaa wariye caan ah isla markaana xil illaa heer wasiir ka gaadhay Dawladdii Somaliya.

Alla ha u naxariistee Yaasiin X Ismaaciil Jirde waxa uu ku dhashay magaaladda Hargeysa 1934-kii, waxaanu ka mid ahaa labaatan carruur ah oo uu dhalay X Ismaaciil Jirde.

Wariye Yaasiin  Ismaaciil X Jirde waxa uu ka mid ahaa Booliiskii Somaliya qaybta Danbi baadhista ee C.I.D-da, amrkii danbena waxa uu ku biiray qaybtii Intelegence-ka ama Sirdoonka.

Yaasiin X Ismaaciil Allla ha u naxriistee waxa uu ka tagay shaqada Booliiska waxaani Imtixaan u galay Radio Hargeysa halkaas oo loo qaatay Wariye taariikhdu markay ahayd 1965-kii, hase yeeshee waxa uu si rasmi ah uga hawl galay Radio Muqdisho.

1987-dii waxa Yaasiin X Ismaaciil Jirde loo magacaabay wasiir ku-xigeenkii wasaaraddiiw arfaafinta Somaliya, isagoo 1989-kiina laga dhigay wasiirka warfaafinta, halka uu ka goostay maamulkaasi 1989kii

Alla ha u naxariistee Yaasiin X Ismaaciil Jirde waxa uu imika ku noolaa magaaladda London ee Dalka Ingiriiska halkaas oo uu saaka ku geeriyooday.

Bahda Geeska Afrika waxa ay tacsi u dirayaan guud ahaan qoyska reer Xaaji Ismaaciil Jirde, marxuumkana waxa ay Alle uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo. Aamin