Hargeysa(Geeska):-Alleeh u naxariistee marxuum ganacsade Xuseen Maxamuud Cawaale(Gacmo-dheere) oo u geeriyooday shil ku dhacay dhawaan, ayaa shalay aas qaran loogu sameeyey xaabalaha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa.
Waxaana aaska marxuumka ka soo qayb galay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi, xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Siilaanyo, xildhibaano, hogaanada sar sare ee xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo Ucid, madax-dhaqameed, ganacsato iyo dad weyne kale oo aad u tira badan, waxaana ay dhamaantoodba ay marxuumka Illaahay uga baryeen in uu janatul fardawsa ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii iyo umadda Somaliland-na in uu samir iyo iimaan uu ka waraabiyo.
Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo hadal kooban warbaahinta siiyey, ayaa waxaa uu ugu horeyn uu marxuumka Illaahay uga baryey in uu u naxariisto sida oo kalena uu samir iyo iimaan ka siiyo dhamaanba eheladii iyo umadda reer Somaliland ee uu ka baxay.
"Innaa-Lillaahi wa-innaa-Illayhi raajicuun Xuseen Gacmo-dheere, naxariistiisii jano Illaahay ha ka waraabsho, ehelkii uu ka geeriyooday iyo innagana samir iyo iimaan Alleh ha ka siiyo, shakhsiyad weyn ayaa uu ahaa, shakhsiyad magac iyo sharaf umadda ku lahaa ayuu ahaa, waxaana aanu Illaahay uga baryeynaa in uu naxariistiisii ka waraabiyo.".Ayuu yidhi Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Ciro), ayaa isna waxaa uu dhambaal tacsi ah u diray guud ahaan qaranka Somaliland isaga oo sida oo kalena marxuumka Illaahay uga baryey in uu janatul fardawsa ka waraabiyo.
"Waxaan tacsi qaran aan gaadhsiinayaa, dhamaanba qaranka jamhuuriyada Somaliland, ehelkii, qoysaskii iyo xaasaskii uu ka tagayna Alleh ha u naxariista ee Xuseen Maxamuud Cawaale(Gacmo-dheere) in uu samir iyo iimaan ka siiyo, oo sida aad ka warqabtaana shil ku geeriyooday, waxaa aanu Illaahay uga baryeynaa in uu janadii ka waraabiyo inagana samir iyo iimaan innaga siiyo dhamaanteenba.".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), oo isaguna halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu yidhi:"Marxuumku waxaa uu ahaa nin aad iyo aad qiimo u leh, Illaahayna waxaan uga baryeynaa in uu janadii Fardawsa uu ka waraabiyo, qoyskii uu ka tagay iyo umadda reer Somaliland idilkeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.".
Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu Alleh uga barye marxuumka in uu janatul fardawsa ka waraabiyo ehelkii, qaraabadii iyo reer Somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo.
"Horta marka hore marxuumka dhintay waxaan Illaahay uga baryeyaa in uu janatul fardawsa ka waraabiyo, qoyskii qaraabadii iyo ubadkii uu ka tegay iyo ehelkii Somaliland oo dhana uu samir iyo iimaan ka siiyo, qof qaaliya ayaa uu ahaa oo guud ahaanba qaranka kaalin weyn kaga jiray."
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md.Cali Waran-cadde oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa waxaa uu yidhi:"Waxaan tacsi u diraynaa dhamaanba eheladii, qaraabadii iyo dhamaanba shacbiga reer Somaliland geerida naxdinta leh ee ku timi ganacsadaha weyn ee Xuseen, Illaahay naxariistiisii janatul fardawsa ha ka waraabiyo, dhamaanteena Illaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo.".
Guddoomiyaha xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna waxaa uu sheegay marxuumku ahaa qof ku qaaliya qaranka Somaliland.
"Waxaa uu ahaa nin weyn oo qaaliya oo qaranka ku qaaliya oo hal gamaa ah, oo odey talo qabeen ah oo in badan aan aqaanay oo odayaasha qarankan ka taliya ahaa, Illaahay isaga ha u naxariisto, reerkiisiina cawil khayr qaba Illaahay halkiisii ha ugu soo badelo, waxaana aan tacsiyadaynaynaa qoyskiisii, caruurtiisii iyo qarankii uu ka baxayba."Ayuu yidhi Md.Muuse Biixi Cabdi. Alleh ha u naxariistee Marxuum Xuseen Maxamuud Gacmo-dheere, waxaa uu ahaa ganacsade reer Somaliland ah, oo guud ahaanba dalka si xooga looga yaqaanay, waxaana uu ifka kaga tagay 11caruura oo kala ah 6 inan iyo 5gabdhood. Innaa-Lillaahi wa-innaa-Illeyhi raajicuun, Alleh godka ha u nuuriyo, janatul fardawsana ha ka waraabiyo Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmo-dheere).