Marxuum Iskeerse Oo Maanta Lagu Aasayo Magaalada Hargeysa

0
440

Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa maanta lagu aasayaa magaalada Hargeysa Marxuum Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo ahaa siyaasi reer Somaliland ah iyo oday nabadeed.

1

Marxuum Iskeerse, wuxuu shalay ku geeriyooday cisbitaalka guud ee Hargeysa oo uu dhawr bilood xaalad caafimaad u yaalay, waxaana maanta lagu aasayaa magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa Isagoo ku hadlaaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u diray, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Siyaasi Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse).

 Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah, aqoonyahan ahaa oo muruqiisa iyo maalkiisaba kagaga soo qaybqaatay dib u xorayntii dalka, sidoo kalena qayb weyn ku lahaa aas-aaskii iyo hirgelintii xisbi weynaha kulmiye, waxa kale oo lagu xasuusan doonaa inuu aha nin ku suntan taariikhda Somaliland guud ahaan iyo nabadayntii, iyo dib u dhiska dalka. Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland.

 Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Madaxda xisbiyada Waddani, KULMIYE iyo UCID ayaa iyaguna dhambaalo tacsi ah u diray ehelka iy qoyska uu ka baxay Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse.