Marxuum Cali Banfas Oo Shalay Aas Balaadhan Loogu Sameeyay Hargeysa

1
1068

Picture3Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay magaaalada Hargeysa lagu aasay Marxuum Cali Xasan Aadan (Cali Banfas), oo ahaa hal abuur caan ah iyo mujaahid ka qayb qaatay halgankii dib u xoraynta.

Marxuum Cali Banfas, oo muddooyinkan dambe u jiifay xanuun, ayaa shalay lagu aasay xabaalaha Xeedho, waxaana aaskiisa ka qayb galay bulshada caasimada Hargeysa, wasiiro, xildhibaano, aqoonyahan iyo siyaasiyiin.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa tacsi u diray shacabka iyo qoyska marxuum Cali Banfas uu ka baxay. “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu tacsi u dirayaa Bah-Weynta Suugaanta ee ku hadasha Afka Somaliga meel ay joogaanba, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeisa 22.10.2013 laguna aasay.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Abwaanku.” Sidaas ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul.

Marxuum Cali Banfas, ayaa caan ku ahaa maansooyin tiro badan oo uu curiyay. Sidoo kale wuxuu qayb libaax ka qaatay halgankii SNM, isagoo wakhtigaasna tiriyay maansooyin hiil u noqday halgankii dib u xoraynta Somaliland. Maansooyinkas waxa ka mid ah maansada lagu magacaabo Gargaar, oo uu Abwaanku tiriyay sannadkii 1985 oo ay dawladii Maxamed Siyaad Barre xasuuq ba’an ku haysay shacabka reer Somaliland. Wuxuu Abwaanku ku halqabsanayay Mujaahid Lixle, waxaanu odhanayay

Hadaanan hadaanan, Hadaanan gadoodka
Lixloow guga maanta, la soo hadhin guusha 

Waxa isna jira gabay caan ah oo lagu magacaabo Dardaaran oo uu Abwaanku tiriyay habeenkii 27 May 1988 oo ay xoogagii SNM soo galeen gudaha Hargeysa iyo Burco. Alle haw naxariisto Marxuum Cali Banfas.

Comments are closed.