“Marxalad Kasta Isku Tanaasul Iyo Wada Jir Kaga Waa Inaynu Kaga Baxno”

0
664

Siyaasi Maxamuud Siciid Maxamed

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Maxamuud Siciid Maxamed, oo Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin ka soo qabtay xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Ciyaaraha, ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in kulanka la filayo inuu dhexmaro Madaxweynaha iyo Ergada dhex-dhexaadinta wada inuu guul ku dhammaada, waxaanu tilmaamay in marxalad kasta oo lagu jiro lagaga tabasho isku tanaasul iyo wada jir.

Siyaasi Maxamuud Siciid Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Kulankan Madaxweynaha iyo Ergada waxaan filayaa inuu ku dhamaada guul iyo wanaag, marxalad kasta oo adag oo aynu ku jirno inaynu isku tanaasul iyo wada jir kaga baxno ayaa la inaga rabaa, in dalkeena Doorashooyin ka dhacaan waa mid la inooga baahan yahay, oo muhiim inoo ah, in qaranimadeena ilaashano, in nabadgalyadeena ilaashano, in Dimuqraadiyadeena ilaashano iyana waa wax la inooga baahan yahay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here