Marwo Kaltuun Oo Sharaxday Faraqa U Dhexeeya Kaadhka Muwaadinka Iyo Midka Codaynta

0
621

Hargeysa(Geeska)-Marwo Kaltuun Sheekh Xasan oo ka tirsan guddiga doorashooyinka qaranka ayaa ka hadashay farqiga u dhexeeya kaadhka aqoonsiga muwaadinka iyo kaadhka cod bixinta doorashooyinka.

1

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed laga soo saaray xarunta guddiga doorashooyinka qaranka, Komishaneer kaltuun oo arintaas sii faahfaahisay haddaladeedii waxaa ka mid ahaa: “Waxaa muhiim ah in aynu fahamno oo bulshadeenu si dhab ah u fahamto qaabka diiwaan galinta codbixiyaha ama kaadhka codbixiyaha.

Inta badan waxa shacabka iskaga qaldan kaadhka cadeynta muwaadinka iyo kaadhka codbixiyaha muwaadinka.

Ø Kaadhka muwaadanimadu waa kaadhka cadeenaya in aad tahay muwaadin reer Somaliland ah.

Ø Bixinta kaadhka muwaadinka waxaa ka mas’uul ah wasaaradda aarimaha guddaha, waxaanu cadaynayaa muwaadinimadaada.

Ø Kaadhka codbixiyaha waa kaadhka aad ku codeyn doonto maalinta doorashada ee hada ay socoto diiwaangelintuusu, gobolwaba waxa ay ka socon doontaa mudada loo cayimay.

Ø Diiwaangelinta Kaadhka codbixinta waxaa ka mas’uul ah guddiga doorashooyinka qaranka.

Ø Hadii aad haysato kaadhka muwaadinka u sii qaado goobta ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyuxu si ay u cadaato muwaadinimadaadu oo si fudud laguugu diiwaangeliyo qaadashada kaadhka codeynta.

Ø Hadii aanad haysan Kaadhka muwaadinka wax dhib ah malaha waana laguu diiwaangelinayaa si aad u qaadato kaadhka codbixinta.

Ø Waxaa goobta ay ka socoto isdiiwaangelinta kaadhka codbixiyaha ku suguan wakiil sugaya muwaadinimadaada, ka dib waxaa si fudud laguugu diiwaangelinayaa si aad u hesho kaadhka codbixinta.

Ø Fadlan ha dayicin in aad isu diiwaangeliso qaadashada kaadhka codbixinta, si aanad u waayin xaqaaga codeyneed maalinta doorashada.

Ø  ((Muwaadin waa waajib ku saaran dhiirigelinta isdiwaangelinta codbixiyuhu))

Ø ((Hore isu diwaangeli intaaney kaa xidhmin diwaangelinta codbixiyuhu)).