Marwo Faadumo Siciid Oo Ka Warantay Xadhig Lagula Kacay

39
3304

Hargeysa(Geeska)-Faadumo Siciid Ibraahin oo ka mid ah masuuliyiinta xibiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka warantay qaabkii lagu xidhay iyo sida  ay ku tagtay goobtii ciidamada boolisku ka soo qabteen, wararka soo baxayay ayaa sheegayay inay Faadumo Siciid goobta oo tirinta codku ay ka socotay ay khalkhal galinaysay waxase ay si qoto dheer uga warantay qaabkii ay goobtaas ku tagtay.

Marwo Faasumo Siciid ayaa siisay tilifishanka Eryal waraysi arintaas ku saabsan waxaana iyada oo dhacdadan ka hadlaysay ay tidhi “Xadhigu waa uu jiraa, khalkhalkana anigu maan galin ee waxa galiyay Kulmiye iyo taageerayaashooda anigu waxaan ahaa kormeere guud oo waxaan soo kormeerayay goobaha laakiin markii ay soo dhawaatay wakhtigii la tirinaayay cododka ayaa meelo badan laga soo dhawaaqay oo la yidhi muraaqibiintiinii lama hayo markaas aniga waxa lay diray xagan Biyodhacay oo la yidhi muraaqibkii waa uu ka maqan yahay, xafiiskii ayaa laygu yeedhay oo waan tagay oo waxa lay soo siiyay kaadhkii muraaqibka, waxa lay soo raaciyay gudoomiyihii ollolaha Kildhi, oo la yidhi gee goobta oo muraaqibkii ka maqan yahay, markaas shaqadaydu waxay ahayd inaan markhaati ka ahaado tirinta cododka oo aan wakiilkii Waddani u noqdo markii aanu meesha tagnay buuq badan ayaa jiray oo dad badan ayaa meesha guuxaayay taasna goob kasta waa ay ka jirtay oo wax cusub may ahayn, guddoomiyihii waxa uu ii geeyay askartii meesha joogtay waxaanu ku yidhi waa muraaqibkii maqnaa badalkiisii waa ay isii

daayeen,guddomiyihii goobta ayaa lay geeyay oo la yidhi muraaqibkii maqnaa ee aad soo sheegteen weeye badalkiisii cadayntii ayaan u dhibay oo waxaan ku idhi waa kaas, gudoomiyihiina uu iimarkhaati furay  inaan ahay muraaqibka badalkiisii kursi ayay i fadhiisisay oo ay laba muraaqib oo kale fadhiyaan, sanduuqii waanu furaynaa tiradiina waanu eegaynaa, anigu sanduuqa ayaan ka saarayaa inantaasina way ku dhawaaqaysaa idinkuna waad qoraysaan, waxa la yidhi amar cusub ayaa yimi waxa nalagu yidhi xidha, waxaan idhi dhib ma laha  saldhigii dhexe ayaa lay geeyay  waa lay qoray oo waa lay xidhay.”

Marwo Faadumo Siciid oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi”hadii aad ogtahay inuu qof khalkhal kaa galinaayo wax aad adigu u badan tahay sidii aad amaniga u sugi lahayd ayaad qabanaysaa. iyagii ayaa meeshii khalkhal sii galiyay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here