Marwo Edna Aden Oo Farriin Waayeelnimo U Dirtay Xisbiyada Iyo Shacabka

38
3325

Hargeysa (Geeska)-Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa si xeel dheer uga hadashay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray, Doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay, Doorashada Madaxtooyada, qaabka ay u dhacday, cabashada jirta iyo mudaharaadkii habeen hore dhacay.

Marwo Edna Aadan Ismaaciil, oo warbaahinta ugu waramaysa Xafiiskeeda ayaa ugu horeyn hadalkeedii ku bilawday sidan “13/11/2017, waxa ka dhacay Jamhuuriyada Somaliland, Doorasho saddex Xisbi u tartamayeen, oo lagu tartamayey jagada Madaxweynaha, waxay Doorashadaasi ahayd mid dhawr jeer oo hore ka dhacday Somaliland,waa markii lixaad ee Somaliland Doorasho ka dhacdo, waxaynu ku bilawnay 2001 markii aynu u coddeynay gooni isutaaga Somaliland iyo Dastuurka, waxay markaas umadda Somaliland u coddeysay oo ay aqbashay Dastuurkii iyo qodobadii ku jiray, waxayna umaddu si aqbaliyad ah u taageertay in Jamhuuryadeena Somaliland ay ka go’do dalkii Talyaanigu isticmaarsan jiray ee aynu jaarka nahay ee Somaliyeed, ee la yidhaahdo Somaliya, go’aankaasi wuxuu noqday in Jamhuuriyada Somaliya ee Talyaanigu guumaysan jiray iyo maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland, inay kala go’aan, oo laba dal oo jaara oo walaalo ah, oo aan kala guuri karayn inay noqdaan”.
Marwo Edna Aadan iyadoo ka hadlaysa Doorashooyinkii dalka soo dhacay ayaa tidhi “Dadka degan Somaliland waxay dhawr jeer u codeeyeen Madaxweynihii markaas jagadda hayey ALLE haw naxariisto Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waa kii geeriyooday, Madaxweyne ku xigeenkii ayuu Dastuurku siiyey, inuu hawshii la wareego, sideed bilood dabadeed wuxuu galay Doorasho, oo cidii markaas la tartamaysay oo ahayd Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Madaxweynaha imika sii socda, ayey Doorasho wada galeen, Daahir Rayaale Kaahin ayaa helay, waxay ku kala heleen tiro aad u yar, oo boqol iyo todobaatan cod ah, waa la xaqiijiyey dib baa loo tiriyey, waxa a xaqiijiyey in Daahir Rayaale Kaahin ka cod batay, Dastuurkeenuna wuxuu ogolanayaa haddii hal cod, uu midi dheer yahay ka kale, in qofkaasi uu aqlabiyadii helay, waa kuwii isku hambalyeeyay , waa kii Daahir Rayaale Kaahin dawladdiisi dhisay, waa kii Sannado Madaxweyne ka ahaa, wakhtigiisi baa dhammaaday, Doorasho kale ayey haddana isla glaeen labadii nin,si aqbaliyad ah oo balaadhan ayuu Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ugu helay Daahir Rayaale Kahiin Doorashadii markaas Daahir Rayaale Kaahin si sharaf leh oo qurux badan ayuu u hambalyey Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, umaddu wey ku faraxday, intii Somaliland jeclayd wey ku faraxday, dadkii Dastuurka jeclaa, wey jeclaadeen, cadawgeenuna uu ka naxay, laakiin se labadii nin wey isku hambalyeyeen, hawshii bay la kala wareegeen, xaflad balaadhan oo qurux badan oo markhaatiyo lahayd, oo Adduunka darafyadiisa loo lala kala yimid, ayaa xilkii loogu kala wareejiyey”.
Marwo Edna mar ay ka hadlaysay Doorashada Madaxtooyada ee hadda la galay ayaa tidhi “Sida uu Dastuurku dhigayo marka uu Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaado, cidii kale ee danaynaysa ee leh jagaddaas malaa anigaa ku haboon, ayaa u tartanta,m tartan balaadhan baa la galay, Xisbiyadu wey tartameen, si qurux badan oo xalaala ayey u tartameen, dalka guddihiisa oo dhan buu tartankaasi ka dhacay, waa la codeeyey, qof walba wuxuu u coddeeyey cida uu damiirkiisa iyo caqligiisu ay siisay inuu codkiisa ugu deeqo, haddana waa la tiriyey, tiradiina wali wey socotaa, wakhtigan xaadirka ah, kii ILLAAHAY u qorey garan maayo, kii helayna inta uu ku helay iyo tirada uu ku helay ILLAAHAY baa og anigu garan maayo, Xisbina ima soo dirin, cidina lacag igumay siin, ee waxaan jeclaaday in umaddayda Somaliland, ee aan jecel ahay, iyo calankayga Somaliland, ee tawaxiidku ku qoran yahay, anigoo aad ugu damqanaya, in aan umadda u soo jeediyo degan Somaliland iyo dadka jecel Somaliland, in aan fariintayda u soo gudbiyo, dalka Somaliland dhibaatooyin fara badan buu soo maray, burburkii ka dhacay, dilkii ka dhacay, Diyaaradihii loo qaatay iyo dadkii la xasuuqay waa kaas roobkii da’aaba dadkii la xasuuqay uu maalin walba roobku lafahoodii soo saarayo, Migagii Somaliland lagu duqayn jiray weynagaas Talooyin u sameeynay, Somaliland waa dal aan cadaawad loo yaraysan, haddana weynu ka kabanay, oo weynu ka noolanay, waxaynu gaadhnay meel ka saaraysa dadkii ina duqeeya, meel aanay abidkoodu gaadhayn, waxaynu gaadhnay isku duubnaan, is jecelayl, wadaniyad, waxaynu ku gaadhnay caqli, wada hadal, wada tashi, isu tanaasul”.
Marwo Edna mar ay ka hadlaysay Mudaharaadkii dhacay ayaa tidhi”Maalintii Doorashada laga soo noqday farxad baan seexan waayey, waan u qushuucay, umaddayda Somaliland siday Doorashada u gashay, sidii quruxda badnayd ee ay u soo baxday, farxadii dadka ka muuqatay, markii ay taagnayeen qoraxdaas, farxad baan habeenkaas seexan waayey, intii aan anigu farxay in leeg, waxaana naxay kuwii Somaliland necbaa, wey u qaadan waayeen in Somaliland Doorasho caynkaas u qurux badan ay ka dhici karto, xoog hore ayey wax uga qaadi waayey, laakiin hubka ay Somaliland u qaateen, waa Warbaahinta, waxay isticmaaleen caruurtii yar yareed, dhalinyaradii, dhalinyaradaas oo aan garaynin dhibaatada uu dagaalku keeno, qaxoonti may soo marin, ee qaxoontiga hooyooyinkood iyo aabayashood ha ka wareysteen, xasuuq may arag oo waa kuwaas maanta nool, Somaliland in cidi cid garadaysato ma ogola, waxa wanaagsan haddii cabasho jirto in miiska la keeno, oo lagu markhaati furo qofkii dhibaatada geystay, oo Adduunku farta ku fiiqo,oo la yidhaahdo qofkaasow ama dadkaasow khaladkaas baad gashay, oo waxaad khaladkaas ka gasheen dadkaas kale, gar buu qofkaasi helayaa, wuu guulaysanayaa, laakiin se marka caruur yar yar la kiciyo shuruuctooda, oo la yidhaahdo orda oo dagaalama, haddii ay caruurtaasi is dirto oo ay yidhaahdan waanu dagaalamaynaa, oo la celin waayo, waxaan u arkaa inay meel ka dhac ku tahay Somaliland, ma geydo Somaliland, caruurtan yar yari xiidmahooga oo kala laadlaada ayaa beri meelahaas lagaga tagayaa, oo cidi aanay dawayna, cidii ay u dagalamayeena waxa laga yaaba inay jeebaha ku sitaan Basabooro ajaaniba, caruurahooduna meel fiican ay joogaan, ka lagaga tagayaa caws jilaal waa halkane, waa kaas xiidmuhu ka laadlaado, waa kaas meel uu u cararo aan haysan, waa kaas cidi u tudhaynin, xalay aad baan u qiirooday, waayo farxadii la iskugu markhaati furay,iyo quruxdii aynu ku galnay Doorashooyinka, oo Adduunka aftiisa koone la inooga soo hambalyey, waxay inagaga burburi gaadheen saacado yar, waxayna guushu raaci lahayd ka Somaliland neceb, waxaana leeyahay Somaliland haddii aad rabtaan sharaf, magac iyo aqoonsi inaad heshaan, waxyabahaas ka waantooba”.
Marwo Edna mar ay baaq u diraysay Axsaabta ayaa tidhi “Waxaan doonayaa in aan iyana Siyaasiyiinta u soo jeediyo talo, waa talooyinkii aanu baryahanba soo jeedinaynay, ee aanu Guddi ahaan u soo jeedinaynay, oo ururada odayaasha iyo habraha ee la yidhi dhex-dhexaad baad tihiine ee bal dadka la hadla, waa farimihii aanu idin sheegaynay, ayaanu haddana ku celinaynaa, Doorashadan tiradeedu markay dhammaato, marka uu murankeedu dhamaado, marka ay xaqiijinteedu dhammaato,ilayn waxaan la xaqiijin lagu dhawaaqi maaye, marka cabashadu dhinacay ka timaadaba la eego, oo loo hiiliyo kii laga gardarnaa, waa haddii ay gardaro timaado oo ay caddato weeyaane, ee lagu dhawaaqo waxaanu codsanaynaa, dhinaca laga heloow, in sharaf iyo ragganimo iyo geesinimo aad la timaado, oo aad hambalyeysaan cidii heshay, oo guushaas aydaan naga kala daadin, oo aad wada shaqeeysaan, oo midnimadii Somaliland iyo walaaltinimadii aad halkeedii aad ku celisaan, jawaabtu wey soo bixi, goor ay soo bixi garan maayo, laakiin se wey soo bixi, war jiraaba, cakaara ayuu iman,ee waxa ka dhacay dalalka agteena yaanay inaga inagu dhicin, yaanay guushaasi inaga burburin, oo yaanay guushaasi dhaawac inaga gaadhin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here