Marwada Koowaad Oo Daahfurtay Adeega Dahabo Ee Baanka Dahab Shiil

1
979

Hargeysa(Geeska)-Daahfurka adeega cusub ee baanka dahabshiil soo kordhiyey ee Dahabo oo munaasibad balaadhan loogu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay marwada madaxweynaha somaliland Aamina Maxamuud Jirde, Dr. Edna Aadan Ismaaciil, masuuliyiin ka socday shirkada Dahabshiil, haween tiro badan iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa halkaasi hadal dheer oo taabanaya siday muhiimka u tahay inay haweenku noqdaan shaqo-bixiyayaal iyo sida himiladdaas loo xaqiijin karo ka jeedisay Marwadda Qaranka,iyadda oo tusaale usoo qaatay sidii ay waayaddii hore ay Haweenka wax-u-kaydsan jireen iyo fursaddaha maanta banaanka yaalla ee loo baahan-yahay inay haweenku ka

faa’iidaysataan.waxaanay Dahabshiil uga mahad-celisay fursaddan ay haweenka siiyeen “"Shirkada Dahabshiil waxaan uga mahad naqayaa inay soo samayso talaabo ay ku ogaatay cududa haweenka iyo waxa ay qabsan karaan dabadeedna ay u samaysay adeegyo u gaar ah oo ay ka faa,iidaystaan.” Ayay tidhi Marwaddu.

Sidoo kale Dr.Edna Aadan Ismaaciil oo ka hadashay munaasibadan ayaa Baanka Dahabshiil uga mahad celisay adeegan gaarka u ah dumarka "Farxad weyn iyo sharaf ayey ii tahay ka soo qayb galka munaasibadan qaaliga ah ee ay inagu marti qaaday shirkada Wey nee Dahabshiil, mudo badan ayaanu sugaynay wax dhiiri gelinaya in haweenku wax dhigto, wax dhaqdo waxna xisaabsado, waana soo dhawaynaynaa adeegyada dumarka u gaarka ah ee Baanka Dahabshiil soo kordhiyey, haweenkana waxaan leeyahay ka faa,iidaysta adeegan.”

Khadiija Cabdilaahi Walaaleeye oo ka mid ah maamulka Shirkada Dahabshiil oo ka hadashay munaasibadan ayaa ka war bixisay adeegan cusub ee Dahabo waxaanay tidhi "Anaga oo ah maamulka Dahabshiil Bank International markii aanu baadhnay caqabadaha badan ee haweenka ka hor taagan inay isticmaalaan adeegyada baanka waxaanu go,aansanay inaanu wax ka badalno anaga oo waliba ka duulayna jihaynta iyo dhiiri gelinta maamulaha guud ee shirkada Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ah qof jecel inuu taageero haweenka, halkaas ayaanu ka yimid adeega Dahabo, Dahabo waa magac soomaaliyeed oo macnihiisu yahay Dahab, dahabkuna waa qiimaha aanu u aragno inay noogu fadhiyaan macaamiisha baanka ee haweenka ahi.”

Khadiija Walaaleeye oo si gaar ah u sharaxaysa adeega Dahabo ayaa intaas raacisay "Dahabo waa xidhmo dhamaystiran oo aad ka helayso dhamaan adeegyada aad u baahan tahay, Waxaanu soo kordhinay sanduuqa amaanada oo ah adeeg aan hore dalka looga aqoon waana mid aamin ah oo aad dhigan karto wax kasta oo aad u baahan tahay in laguu xafido, maanta laga bilaabo marka aad ka mid noqoto macaamiisha Dahabo waxaad helaysaa qiime dhimis balaadhan iyo waliba tix galin gaar ah marka aad timaado baanka caalamiga ah ee Dahabshiil.”

Sidoo kale Cabdiraxmaan Awr Liqe oo ka mid ah masuuliyiinta shirkada Dahabshiil oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa ka war bixiyey qaabka ay dumarku ugu xidhan yihiin adeegyada Baanka Dahabshiil, waxaanu yidhi "Waxaan haynaa Micro Finance ay ka faa,iidaystaan dad ku u dhaw ilaa 6000 oo macmiil ah iyo in ka badan, macaamishaas 60% waa dumar, mudadaas aanu ka shaqaynaynay adeega Micro Finance waxa aanu ogaanay dadka ganacsiyada abuurayey ee fikradaha ganacsiga keenayey inay ahaayeen dumar, laga bilaabo ganacsiyada yar yar ilaa ganacsiyada waa weyn waxa nala soo xidhiidhiyey dumar, xafiiskana waxa si weyn ugu xidhan oo ku soo noqonaya dumar iyaga oo kooxo ah ayey imanayaan, waxaana la qiyaasaa in dumarka somaliland 39% ay leeyihiin akoono xisaabeed laakiin intaas 3% ka mid ah ayaa leh Saving Acount.”

Marwada madaxweynaha somaliland Aamina Maxamuud Jirde oo iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa soo dhawaysay adeega cusub ee baanka Dahabshiil ugu tala galay dumarka waxaanay tidhi "Shirkada Dahabshiil waxaan uga mahad naqayaa inay soo samayso talaabo ay ku ogaatay cududa haweenka iyo waxa ay qabsan karaan dabadeedna ay u samaysay adeegyo u gaar ah oo ay ka faa,iidaystaan.”

Fanaanada Sahra Axmed Maxamuud(Sahra Halgan) oo iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa haweenka somaliland ugu baaqday inay ka faa,iidaystaan adeega gaarka u ah dumarka ee Baanka Dahabshiil u soo kordhiyey waxaanu yidhi "Adeegan Dahabo ayaaba loo bixiyey waa Dahab waana wax inoo qaali ah, waxaana layna tusay inaynu kaligeen wax noqon karno mar haday shirkadii iyadu shaqadeedii qabatay, waxa dumarka somaliland looga baahan yahay in qof waliba xataa ta tamaandhada iibinaysa inay Dahabshiil tagto oo ay Acount ka furato kuna xidhnaato.”

Adeegyadda uu DAHABO BANKING u samaynayo Haween-weynaha Somaliland, waxa ka mid ah:

· Kaadhka Fududaynta Lacag la bixista ee loo yaqaanno (ATM/DEPIT CARD.

· Akoonka dhigashadda ee DAHABO (Dahabo Saving Account).

· Akoonka socda ee DAHABO ( Dahabo Current Account).

· Akoonka dhigashadda ee Xidhan (Dahabo Fixed Deposit).

· Habka maalgalinta Islaamka ee DAHABO (Dahabo Islamic Investment).

· Tabobaro sannad-la-yaal ah.

· La-talin Maaliyaddeed/Hagayaal ganacsi. 

 

Comments are closed.